Hargeysa Md. Cali Maxamed Cabdillaahi oo ah xubinta cusub ee xisbiga KULMIYE u soo magacaabay inuu ka mid noqdo Komishanka Doorashooyinka, ayaa si rasmi ah shalay loogu dhaariyey xarunta Madaxtooyada Somaliland.
Xubinta cusub oo dhowaan Golaha Wakiilladu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey, kadib markii Madaxweynuhu u soo jeediyey in lagu beddelo Mr. Xirsi Cali X. Xasan oo hore isaga casilay xilkii iyo xubinnimadii Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada waxa Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin hortiisa ku dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Warsaxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:
“Waxa kale oo maanta [shalay] loo dhaariyay Mudane Cali Maxamed Cabdillaahi oo ah xubinta cusub ee xisbiga KULMIYE u soo magacaabay Guddida Komishanka Doorashooyinka, xubintaas cusub ee Komishanka oo maanta [shalay] uu dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa goob-joog ka ahaa oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha Somaliland, waxana uu beddeli doonaa xubintii hore ee KULMIYE oo jagada iska casilay.”
Md. Cali Maxamed Cabdillaahi oo qaabka ku dhaarinta qasriga Madaxtooyada iyo Madaxweyne Rayaale hortiisa kala siman xubnaha kale ee Komishanka oo sidan oo kale loo dhaariyey, ayaa siday tibaaxeen ilo xogogaal ah waxa lagu wadaa in loo doorto jagada Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka ee uu iska casilay Mr. Xirsi Cali X. Xasan oo ilaa hadda bannaan.
Buuxinta jagada bannaan ee buuxinteeda xisbiga KULMIYE u soo magacaabay Md. Cali Maxamed Cabdillaahi, ayaa qayb ka ahayd caqabadaha iyo khilaafyada siyaasadeed ee hortaagan qabsoomidda iyo hirgelinta hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka ee ay sida weyn isugu maandhaafsan yihiin mucaaradka iyo muxaafidka Somaliland.
Xigasho Jamhuuriya