shirkaas oo ay soo qaban qaabiyeen ururka taf shirkaas oo ay ka soo qaygaleen haween aad u tiro badan oo reer togdheera iyo haween kale oo ka kala socda gobolada kale ee soomaliland shirkaasaa oo loogu soo bandhigay haweenka hawlaha iska wax u qabso ee ka socda dalkii hooyo iyo wax qabadka ururka taf iyo siyaabaha uu uga qayb qaato mashaariicda horu marineed ee lagu taageerayo sidii loogu horu marin laha dalkii hooyo hada dhalinyara ururka taf ayaa waxay hawl gal balaadhan ugu jiraan sidii ay ugu heli lahaayeen dhaqaale lagu dhisayo hospitalka maandheeye ee dadka walan ee magaalad burco kasoo ku kacaya 190kun oo doolar sida la emaajin gareeyey kaasoo looga fadhiyo qurba jooga gobolka togdheer iyo dhamaan dad waynaha reer somalailanba ee ku dhaqan dalka dabadiisa tasoo ay aq baleen haweenka reer manchester si wayna u soo dhaweeyeen wax qabadka ururka taf balana ay qaadeen inay ka mid noqonayaan ururka taf dhaqaale iyo awoodna ay isla garab taagayaan hawlaha samafal ee ay wadaan ururka taf iyo gudida horu marinta gobolka togdheer intaa dabadeed waxay u gudbeen haweenkii shirka ka soo qayb galay inay sameeyaan maamulkii garabka haweenka magaalda manchester waxaa nay maamul u doorteen gudoomiye iyo shan xubnood oo gudida fulinta ah waxay gudoomiye u doorteen inay noqoto
1.safiya saleeban gudoomiyaha garabka haweenka manchester
2.kiin jama xubin
3.mako abdi xubin
4.khadra siciid xubin
5.hodan barbaraawi xubin
6,amina dahir xubin
anagoo ku hadlayna magaca ururka taf waxaan si way usoo dhawaynaynaa haweenka tirada badan leh ee ku soo biiray ururka taf iyo gudida ay bagacaabeen iyo sida ay isu abaabuleen waxaan ku soo dhawaynaynaa gacmo furan waxaanaanu u mahad cel;inayaa cid kasta oo soo abaabushay shirkan balaadhan ee ka dhacay magaalda manchester
allaa mahadleh
by adan aydiid abdi