Intaanan qaybta 2aad gelin waxan ka cudur-daaranayaa qalad madbaci ah oo ku baxay qaybtii hore, kaasoo ahaa markuu qabtay Caaqilnimada 1935. maaha sidaas, markaan hubiyey waxay ahayd dhamaadkii 1946 ama horaantii 1947.
An guda galo qaybtii 2aad iyo kifaaxii AHN Maxamed X. Ducaale e', Wuxu kasoo noqday marxuumku carriga Ingiriiska markuu dhamaystay casuumaddii iyo ka qayb galkii caleema saarkii Boqoradda Ingiriiska (the coronation of Queen Elizabeth the 2nd)
Maqfuurku markiiba wuxu guda galay hawshii u taalley sida furitaanka School-ka Ceel-afweyn isagoon ka minddi dhigin inay Dawladdu u diyaariso hal macallin oo lagu bilaabo fasalka koowaad ee School-ka.
Si kastaba ha' ahaatee, waxa ka dayriyey in macallin la' helayo AHN Maxamud Axmed Cali isagoo ku saleeyey macallimiin yaraan iyo ku dhiirrasho aanu ka filayn inay si fudud kuba ogolaanayaan macallimiintu inay wax ka yagleelaan meel aan hore jirin. Kamay deggin kumana niyad jabin Marxuumku dayradaa uu ka dhwaajiyey gudoomiyahii tacliinta ee maxmiyadii British Somaliland.
Nasiib wanaag waxa iskii ugu yaboohay inuu diyaar u yahay inuu isagu macallin ka noqdo Ceelafweyn AHN macallinkii qaaliga ee Abuu-shiraac oo lagu xasuusto daah-furkii dugsiga hoose ee Ceelafweyn. xaggii waxbarashadana waa laga soo dhoweeyey oo ogolaansho ayaa ka yimid waxana sahlanaatey inay Maxamed X. Ducaale iyo Abuu-shiraac-ba AHN usoo boqoolaan xagga Ceel-afweyn waxana halkaa lagu qoray School-ka 8 inan ee ugu horeeyey School-kuna dhab ahaan wuxu u furmay School-furkii 1953 iyadoo uu noqday macallin Dayaanihii ugu horeeyeyna Xaaji Yuusuf Maxamed Caamir oo weli ku nool Degmada C/afweyn gudeheeda.
Waxa maanta ka noolbaan filayaa ardaydaa muftaaxa ahayd, Jaamac Cabdi Muuse (gawaafe), col.Faarax Shire Gurey, Axmed Maxamed X. Ducaale, Ibrahim Maxamed Nuur, Ismaciil Faarax Maxamed (Ismail-dad-qal). Halkaana waxa ku rumowdey inuu gaadho marxuumku yoolkii uu tiigsanayey isagoon haba yaraatee gacan cid ka helin aan ahayn Ilaahay iyo an idhaahdo dhawr oday oo niyad ahaan is bar-bar taagey, oy ka nool yihiin maanta Axmed Muuse (Axmed-waraabe) Caaqil Cawl Cabdulle Nuur, iyo Xaaji Yuusuf Xaai Ducaale.
Macallinkii Abu-shiraac AHN in mudo ah ayaa waxa ku adkaatay inuu la' qabsado magaaldii oo ku soo koobnaatay iyo isagoo qariibnimo dareemay waxanuu yidhi (Maxamed xasan baa i madadaashee meel yarna malaha lagu maleehaabee meer-meera daranaa magaaladu).
Wuxu bilaabay marxuumku intaa kuma ekaane sidii loo samayn lahaa seere loo xidho Halaha inamada School-ka dhigta loogu xuddun xidho, hase ahaatee waxa ka biya-diidey dadweynihii iyagoo u arkayey in dhulkii la' qoqobayo. Daasad-tun iyo isu-soo bax ayuu faray headman-kii, hadii meel fagaare ah laysugu soo baxayna wuxu ku war geliyey in kulankeenu yahay sidii looga wada arrinsan lahaa seere. Isagoo weydiiyey dadweynihii halkee baa dhulka ugu liidata daaq iyo tayaba? waxay yidhaahdeen GAAD baan dal-san ahayn, wuxu yidhi hawraarsan e' ka warama hadaynu GAAD seeraysano oo halaha inamadeenu wax ku baranayaan keliya u xidhno? go'aan baa layskula qaatay seerihii.
Marxuumku wuxu uga gudbey codsi uu ku wediistey ninkii haystey DNR dhirta & daaqa oo loo yaqaaney Hool-hool inuu u shaqaaleeyo inamo seera-celiye ah (forestry) wuxuna u sheegay inuu imanayo dhowaan Director-kii oo la' odhan jirey Larry. Nasiib wanaagna waxabuu ku yimid mudo kooban Mr Larry, waxana soo dhoweeyey marxuumka isagoo kursi u dhigay dukaan uu lahaa hortiisa. Halkaa ayuu kaga codsaday inuu u qoro inamo seeraha celiya. Wuxuna ugu jawaabey 3 sadexbaan idiin qorayaa, wuxu isla markiiba marxuumku magac-dhebey oo qoray AHN Maxamed Xasan Dhunkaal wuxu kaloo magacaabay Caabi Digaale Jaamac ninkii sadexaadna wuxu ugu yeedhay Diiriye Cilleeye Shire. Seerihii iyo seera-celiyihiina si rasmi ah ayay uga diiwaan galeen xafiisyadii maxmiyadda.
Markii la' arkay dhulkii seeraha loo calaamadiyey oo kaymoobey iyo faa-iidada uu leeyahay ayuu fidiyey seerihii iyadoo aanay wax carqalad ahina kaga iman dadweynihii. Calaamadintiiseerahana waxa lagu sargooyey, xagga bariga lagu simay SUFDHEERE koonfur-galbeedna GAL-CIIDLE xagga galbeedna wuxu ku sinnaa HULUQSEY oo ku dherernaa ilaa buuraleyda magaalada kaga beegan waqooyiga.
Mudoyar dabadedna waxa shaqo ka helay intaan ka xasuusto ilaa 10 nin oo loo qaatay seera-celiye (forestry). Waxa loo qoondeeyey in inan walba loo geliyo seeraha 2 halaad oo irmaan si caanohooda loogu masrruufo/biiliyo. fekradda ahayd in dadka sidaa wax barasho loogu sahlona isaga ayay ka timid waana lagu guuleeystey aakhirona waxay u tahay cilmi naafic ah oon ka go'ayn ilaa qiyaamaha ifkana waa tilmaanta joogta. xataa waxay markii danbe gaadhey in ardayga aan geelba la' iman cid kale ku qorato magaciisa geel oo iyaguna magaalada ka caano-teelaan ardaygana hadii duruufi jirto kaga war hayaan af-marin .
2dii macallinee loosoo bedelo School-kana waxa ugu horeeyey AHN Xasan Cali Cawaale iyo Muuse maa-caleysh. Waxa iiga sheekeeyey AHN Xasan Cali Cawaale oo nagu casumey Berbera isagoo ahaa wasiira dawlaha A/dibedda ee S/land 1995 sidaan filayo badhtamihii November, aniga iyo Muuse Maxamed Ducaale waxuna ammaan badan u hibeeyey maalintaa dadka reer Ceelafweyn oo uu ku tilmaamay qaayo iyo qurux, waxanu fadhiisanay maalintaa state house-ka Berbera.
Wuxu marxuumku keenay iyana ilaaladii si nabad gelyadu u sugnaato, ogow ilaaladu waxay dhulka ka joogtey xarumona ku lahayd deg.Ga'adag iyo Buraan, oo loogu talo galay inay midiba daboosho aagga u dhow. Noloshii, himmiladii, iyo horumarkuu rabey baa isla hana-qaaday sida School-kii, ardaydii, seerihii, nabad-gelyadii iyo ilaaladii/askartii.
Magaaladiina waxay noqotay meel barwaaqo iyo caanaha ku caan-baxday. Markaana macallinkii Abuu-shiraac AHN wuxu yidhi balwo ay dhextaal u ahatd "Ceel-afweyn Cadan way ka sidataa haddii caaneheeda lagu daro"
Waxa fidday fekraddii iyo faa'iidadeedii oo muuqatay waxana markiiba ku dhaqaaqay odayaashii reer Gar'adag oon ka xasuusto Barre Nuur iyo Cabdi Cali Saalax AHN oo ka hawl galay yagleelkii School-kii hoose iyo seerihii Gar'adag oo iyana si fiican u aloosmay, maantana waxay ka mid tahay Gar'adag meelaha la' tilmaamo ee ugu horeeyey furitaanka dugsiyada sare ee gobolka markii lagu soo laabtay dhulka 1991.
Waxa farxad iyo faanba ii ah in maanta ku dhowaad 500 shanboqol oo arday ka baar gooyaan sanad kasta dugsiga sare ee Garadag iyo Ceelafweyn.
Marxuumku wuxu ku xigsiiyey Seere iyo ilaalo/askar uu geeyey Huluul oo uu ku dhashay wasiirka arrimaha dibedda ee S/land C/hi Maxamed Ducaale.
Maxamed X. Ducaale AHN wuxuu caan ku noqday gobolkii la' odhan jirey waqooyi bari oo Burco u ahayd waagaas magaalo madax, waxay kaloo hadal hayntiisa iyo waxqabadkiisuba gaadhey dhulkii la' odhanjirey British Somaliland wuxuna ka mutaystay caddaan iyo madoba xishmayn sharaf iyo karam, iyo an idhaahdo hadal-
hayn afka laga dhig-waayey huf-naantiisa, hawl-karnimadiisii Eebe hawnaxriisto.
Dhacdo kooban kale oo qosol leh,
Waxa jirtey isagoo Cadan ku maqan marxuumku ayaa dhulkii xaalufoobey dadkiina wuxu ku soo guurey seeraha dhulka u dhow si ay xoolohooda u xadsiiyaan seeraha oo habeenkiina mirtaan maalintiina haday u suurtowdo cunsiiyaan. Shiikh Muxumud-yare AHN oo ahaa nin reer Gabiley ah Qaaddina ka ahaa Ceel-afweyn waqtigaas ayaa markuu ogaadey in seerihii la' xaalufinayo ayuu ka waaniyey dadkii waa la' maqli-waayey wuxu soo qabtay Burco isagoo raba inuu Xaaji Maxamed Ducaale uga diro taar ilaa Cadan markaasuu maqlay inuu Berbera yimid, farriinbuu u diray oo yidhi waar i soo gaadh. Ceel-afweyn markuu ku soo noqday ayuu yidhi Shiikhu "Axmed Faaraxow Ninkii yimid" Waxana ii cadeeyey C/wahab Cumar Sh Muxumud-yare
Axmed Yuusuf Ducaale