Madax-dhaqameedyada Beesha Sool ayaa soo gebagebeeyey shir ay muddo laba bilood ku dhow u fadhiyeen Tuulada Tuka-raq oo ku taalla jidka u dhexeeya Laascaanood iyo Garoowe. Waxayna go’aansadeen in ay ka baxaan maamul goboleedka Puntland oo aanay wax dambe ka sugin.
Shirkaas oo ay ka qaybgaleen badiba Madax-dhaqameedyada beesha Sool iyo Buuhoodle, waxa ay u fadhiyeen Tuka-raq muddo 77 maalmood ah inay jawaab ka helaan maamul-goboleedka Puntand oo ay weydiisteen, culaysna ku saarayeen inuu dib uga xorreeyo Somaliland magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo ay ciidamada Somaliland xoog ku qabsadeen 15 Oktoober 2007. Waxayna shirkaas ka soo saareen maanta baaq nuxurkiisu yahay in beeshu isku tashato, wax dambena aanay ka sugin maamulka Puntand, isla markaana beeshu isugu timaaddo shir ay kaga tashato sidii ay gobolkooda uga saari lahaayeen ciidamada Somaliland oo ay u arkaan ciidamo shisheeye oo ku soo duuley.
Madax dhaqameedyada shirkaa ka qaybgalay waxay sheegeen inay muddo dheer u fadhiyeen Tuka-raq inay taageeraan, isla markaana dhiirrigeliyaan ciidamada deegaanka iyo kuwa maamul-gobolkeedka Puntland oo ay filayeen inay weeraraan ciidamada Somaliland eek u sugan Laascaanood, balse, waxay sheegeen in Maamulka Puntland iyo dadkiisu ay muujiyeen in aanay danaynayn Laascaanood iyo beesha degta.Waxayna sheegeen isimadu in aanay ku qancin jawaabta uga timi maamulka Puntland oo ah in Beesha deegaankaasi ay kala qaybsan tahay oo ay ku jirto labada dhinacba, taas oo ay ku tilmaameen mid aanay waxba ka jirin.
Waxa kale oo ay ku eedeeyeen maamulka Puntland in aanu danaynayn maqnaanshaha Gobolka Sool iyo magaalada Laascaanood iyo in uu ku guuldarraystay inuu mushahar siiyo ciidamada, iyaga oo sheegay in aanay ciidamadu mushahar helin muddo dhawr bilood ah.
Shirkaa waxa goobjoog ka ahaa isimo ka yimi Garoowe.
Dhinaca kale, saddex qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen deegaanka Buuhoodle, taas oo la xidhiidhey aano hore u dhex taalley laba beelood oo deegaankaas ah.
Xigasho Somaliland.org