Caynaba: Odayaasha iyo waxgaradka degmada Caynabo ayaa dedaal ugu jira sidii ay Boqor Cismaan Aw Maxamuud iyo kooxda uu wato ee dagaalka kula jirta shirka Gar’adag uga saari lahaayeen Magaalada Caynabo, halkaas oo uu sheegay inuu ku qabanayo shirk u lid ah kan Gar’adag.
....AUG 07
Anigoo ku hadlaya magaca beelaha Muuse Abokor/H/Jeclo ee ku dhaqan UK waxaan aad uga xunahay una dhaleecaynaynaa wararka been abuurka ah ee shalay oo taariikhdu ahayd 07/08/08 ka baxay laanta Afsoomaaliga ee idaacada BBCda kuwaasoo lagu sheegay in shirkii guud ahaan Beelaha H/Jeclo uga socday degmada Gradag uu burburay oo lagu kala tegay.
....AUG 07
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Jamhuuriyada Soomaaliland ayaa maanta xadhiga ka furay Cisbitaal Cusub oo loogu magic daray AL-MANHAL oo laga furay magaalad Burco ee Gobolka Togdheer.
....AUG 05
Annaga oo ka tiiraanyeysan Geeri Naxdinta leh ee Marxuum Mohamed Abdi Ali oo maanta 27/07 Lagu aasay Magaalada Garadag, Waxannu Illaahay ka baryeynaa in uu Maruumka Ka waraabiyo Jannadii Fardawsa. Qoyska, Ehelka, Beesha iyo Shacabka S/ Land ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo Aammiin Aammiin Aammiin.
....JUL 27
Waxa aan tacsi udirayaa dhaman shacabka soomaliland oo dhan guda iyo dabadba waxa aan leeyahay inaa lilaahiy wa inna ilayhi raajucuun gaar ahaan waxa aan ka tacsiyadaynayaa eheladii iyo qaraabadii ay ka geeryiyoodeen dadkii ka gadooday cadaalad darrada ee ka dhcaay magaalada Hargaysa 07/07/2008, ee boolisku layey waxanan leyahay ilahay samir iyo iimaan ha idinka siiyo iyagana ilahay janadii farduusa haka waraabiyo.
....JUL 09
waxa aan marka hore salamayaa dhaman shacabka somaliland guda iyo dabadba waxanan ku amanayaa sida ay wax u qabsanayaan oo ayna rabin in ay cidkale wax ka sugaaan aan ahayn ilaahay .waxa aan marka xigta salamaya dhaman saxafada
....JUNE 30
Shirwaynihii ururka Togdheer Abroad Foundation ee marka magciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano TAF ayaa ka dhacay magaalada Manchester 28/06/08 shirkaas oo ay soo qabanqaabiyeen laanta ururka ee magaaladaasi waxaa kasoo qayb galay dadweyne aad u fara badan oo isaga kala yimi dhamaan wadanka Ingriiska dadkaas oo ay ka mid ahaayeen Salaadiin, Cuqaal, aqoonyahano Xildhibaano, Abwaanno iyo dadweyne kale oo aad u fara badan.
....JUNE 30
Madax-dhaqameedyada Beesha Sool ayaa soo gebagebeeyey shir ay muddo laba bilood ku dhow u fadhiyeen Tuulada Tuka-raq oo ku taalla jidka u dhexeeya Laascaanood iyo Garoowe. Waxayna go’aansadeen in ay ka baxaan maamul goboleedka Puntland oo aanay wax dambe ka sugin.
....JUNE 8
Shir ay isugu imanayaan Salaadiinta, waxgardka, Cuqaasha, Siyaasiyiin, Xildhibaano ayaa la filayaa inuu beesha bariga Burco uga furmo berrito magaalada Burco. Shirkan oo la sheegay qabanqaabadiisu inay socotay maalmihii u dambeeyay ayaan ilaa hadda si rasmi ah loo ogayn ujeeddadiisa iyo arrimaha lagaga wadahadlayo.
....JUNE 8
Ku sii-simaha Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ahna Guddoomiye xigeenka 1aad ee Xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaaya Magaciisa, kan Xubnaha Xisbiga iyo taageerayaasha, waxa uu Tacsi u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuun Mujaahid Cumar Jaamac Ismaaciil, oo maanta 08/06/2008 ku geeriyooday Dalka Jabuuti.
Guddoomiyuhu waxa uu ilaahay uga baryayaa, inuu janadii Fardawsa marxuunka ka waraabiyo, Samir iyo iimaana eheladiisa ka siiyo.
....JUNE 8
Hargeysa Mudanayaasha Golaha Wakiillada ayaa Maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey odoroska miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2008-da, ka dib markii ay dhawr maalmood ka hor guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladdu ka dalbay golaha inay sideeda ku ansixiyaan miisaaniyadda 2008-da.
....May 29
DAAWO BARNAAMIJKII OO DHAN EE LAGA DIYAARIYAY SOMALIA IYO WAXA KA SOCDA.
....May 29
Hargeysa Md. Cali Maxamed Cabdillaahi oo ah xubinta cusub ee xisbiga KULMIYE u soo magacaabay inuu ka mid noqdo Komishanka Doorashooyinka, ayaa si rasmi ah shalay loogu dhaariyey xarunta Madaxtooyada Somaliland.
....May 29
Burco Madaarka Magaalada Burco oo mudo sideed bilood ah xidhnaa ayaa maanta markii u horeysay ay soo fadhiisatay Diyaarad ay leedahay Shirkada Daallo Airlines.
....May 29
Golaha Guurtida Somaliland, ayaa fadhi albaabadu u xidhan yihiin oo ay shalay yeesheen waxa uu digniin kama dambays ah siiyey laba Mudane oo ka tirsan golahaas, kuwaas oo ka soo horjeedsaday go’aankii Goluhu bishii hore 10-keedii ku gaadhay muddo-kordhin hal sanno ah oo uu u sameeyey Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo muddo-xileedkoodii sharciga ahaa kaga eekaa 15-kii bishan aynu ku jirno.
Labadan Mudane oo kala ah Md. Aadan Shire Faarax iyo Md. Cabdisalaan Maxamed Siciid
....May 22
Gudoomiyaha Gobalka Togdheer Jaamac C/laahi Warsame “Biin” ayaa maanta markii u horeysay xafiiskiisa ku qaabiley wafti culus oo ka socda hayada Save Children UK kaasi oo socdaal qaadan doona muddo laba maalmood ku yimi magaalada Burco ee Gobalka Togdheer.
....May 22
Doorashooyinka Somaliland iyo Sadexda Xisbi Qaran [KULMIYE, UCID iyo UDUB] oo beryihii u danbeeyey wada lahaa kulamo ay ku maareynayaan khilaafaadkii ka dhashay arrimaha doorashooyinka
....May 20
Shirkaas oo ay soo qaban qaabiyeen ururka taf shirkaas oo ay ka soo qaygaleen haween aad u tiro badan oo reer togdheera iyo haween kale oo ka kala socda gobolada kale ee soomaliland shirkaas oo loogu soo bandhigay haweenka hawlaha iska wax u qabso ee ka socda dalkii hooyo
....May 20
Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo hoggaamiyeyaasha labada xisbi mucaarad ee KULMIYE iyo UCID, ayaa markii ugu horreysay xalay kulan fool-ka-fool ah isku soo horfadhiistay xarunta Madaxtooyada.
....May 15
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Md. Xasan Maxamuud Warsame (Gadhweyne), ayaa ka horjoogsaday shalay ardayda
....May 12
Xaflad Kulmisay Siyaasiyiin, aqoonyahano iyo Saaxiibada Somaliland “SNM shisheeye kuma jirin oo waxay ahayd mid dadkeeda u nugul oo dhagaysata waxa laga baqayo ee maanta imanayaa”- C/Qaadir Jirdeh
....May 12
Ku-xigeenka Safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya Mr. John Marshall, ayaa kulamo ku saabsan xal-u-helidda khilaafyada cakiran ee xilligan dalka ka aloosan la yeeshay
....May 9
|