Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Md. Xasan Maxamuud Warsame (Gadhweyne), ayaa ka horjoogsaday shalay ardayda dugsiga sare ee Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa xaflad ay doonayeen inay u sameeyaan afarta abwaan ee caanka ah ee kala ah Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), Xasan X. Cabdillaahi (Xasan Genay) iyo Yuusuf Cismaan Cabdulle (Yuusuf Shaacir).
Xafladdan ay ardayda dugsigu ku talojireen inay u sameeyaan afarta abwaan oo la qorsheeyey in lagu qabto xarunta dugsiga sare ee Gacan-libaax gelinkii hore ee shalay, ayaa ahayd mid ka reebanayd siyaasad oo aan haba yaraatee shaqo ku lahayn iyo xaaladda dalku ku jiro waqtigan toona, balse ujeedadeedu ahayd bandhig-faneed ardaydu ugu magac-dareen ‘Sannadkii Abwaannada iyo dugsiga Gacan-libaax,’ kaas oo ay doonayeen inay hal-abuurrada ku waydiiyaan su’aalo la xidhiidha suugaanta iyo dhaqanka si ay uga faa’iidaystaan, gaar ahaan kuwa fasalka afraad ee isu diyaarinaya imtixaanka sannad-dugsiyeedka 2007-2008 ee hadda kaabiga ku soo haya.
Munaasibadda loo samaynayey hal-abuurrada abwaan ee caanka ah waxa ka warhayey qabanqaabadeeda oo la ogaysiiyey masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada oo socotay muddo dhawr toddobaad ah, isla markaana diyaarinteeda ku hawlanaayeen ardayda fasalka afraad ee dugsiga Gacan-libaax, kuna baxday lacag lagu qiyaasay in ka badan 1,000,000 sl/sh (hal milyan oo shillinka Somaliland ah), lacagtaas oo gebi ahaanba aanay Wasaaradda Waxbarashadu waxba ku darsan, ayaa waxa iska ururiyey ilaa 150 arday oo ah kuwa fasallada afraad, iyadoo wiilasha midkiiba shan kun oo shillin laga qaadayey, halka gabdhuhuna bixiyeen min toban kun oo shillin. Lacagtaas waxa la geliyey hadiyado ardaydu soo iibiyeen oo ay ugu talogaleen inay ku sharfaan abwaannada, taas oo u badnayd alaab-dhaqmeed sida gorafyada caanaha lagu cabo, dhiilo, ceedhooyin, fandhaallo iyo cunto waddani ah. Waxa kale oo lacagtaas lagu kharash-gareeyey hawlihii kale ee xafladda lagu qaban lahaa.
Haseyeeshee, iyadoo ardayda dugsigu si weyn isugu diyaariyeen qabashada munaasibaddaas, ayaa lagu wargeliyey in Wasiirka Waxbarashadu joojiyey xafladdaas sababo aan la garanayn dartood, balse sida ay ilo xogogaal ah Jamhuuriya u sheegeen waxa masuuliyiinta waxbarashadu ka baqeen in arrintu siyaasad ku lug yeelato, isla markaana si weyn uga biyo-diideen kadib markii ay ka war-heleen in abwaannada la martiqaaday uu ku jiro hal-abuurka caanka ah ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), iyagoo ku andacooday inuu yahay nin mucaarad ah. Sida uu sheegay Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex Mr. Cali Cabdi Jiciir mar uu dugsiga Gacan-libaax tagay Axaddii toddobaadkan in uu abwaan Gaarriye ka shakisan yahay, sidaa daraadeedna uu isagu waqtiga xafladda la qabanayo iman doono dugsiga.
Joojinta xafladda loo qabanayey afarta abwaan, ayaa la sheegay in ay khasaartay gebi ahaanba hantidii ardaydu iska ururiyeen oo dhammayd lacag lagu qiyaasay hal milyan oo Somaliland shillings ah, kadib markay soo galiyeen hadiyado ay ugu talogaleen hal-abuurrada iyo cunto isugu jirta cabbitaan iyo cunto fudud.
Waxa kale oo ilahaasi tibaaxeen in markii amarka Wasiirku soo baxay ay qaar ka mid ah ardaydu dacwad ula tageen Md. Xasan-gadhweyne si ugu xaqiijiyo sababaha uu u joojiyey hawshii ay wateen, haseyeeshee markii uu dhegaystay cabashadooda ku wargeliyey in si khalad ah wax loogu sheegay, sidaa awgeedna ay xafladda qabsadaan 20ka bishan May, balse warku ma xusin in Wasiirku wax shuruudo ah ku xidhay qabashada xafladda.
Ma aha markii ugu horreysay ee abwaanno lagu martiqaado dugsiga Gacan-libaax iyagoo arrimo dhinaca suugaanta ah wax uga sheegaya ardayda, balse bil ka hor ayaa hal-abuurka caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) uu duruus la xidhiidha suugaanta siiyey ardayda dugsigaas, arrintaas oo ardayda fasallada afraad ee dugsiga Gacan-libaax ku abuurtay inay qabanqaabiyaan xafladda shalay laga horjoogsaday ee ay ugu talogaleen inay ku casuumaan afarta abwaan ee caanka ah.
Source:
Jamhuuriya Online