doorashooyinka Somaliland iyo Sadexda Xisbi Qaran [KULMIYE, UCID iyo UDUB] oo beryihii u danbeeyey wada lahaa kulamo ay ku maareynayaan khilaafaadkii ka dhashay arrimaha doorashooyinka iyo diwaangelinta ayaa la sheegay kulan ay maalintii shalay ku yeesheen Xarunta gudida doorashooyinka inay iskula qaateen wakhtiga [Time Line-ka] cusub ee ay qabsoomidoonaan doorashooyinku. Kuwaas oo isku raacay inay qabsoomaan doorashooyinku 15 December 2008, iyo 15 March 2009-ka.
Kulan shalay oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa dhexmaray Wakiillada Sadexda Xisbi oo min sadex xubnood ah iyo komiishanka doorashooyinka, waxaana la filayaa in heshiiska mudeynta doorashooyinka iyo qabsoomida hawlaha diwaangelinta ee la gaadhay la horgeyndoono kulanka maanta ay yeelandoonaan Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo gudoomiyayaasha labada Xisbi Mucaaridka KULMIYE iyo UCID Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] iyo Faysal Cali Waraabe, kuwaas oo la filayo inay heshiiskaas oo hordhac ah ay wada jir u saxeexi doonaan.
Wakiillada xukuummada iyo Axsaabta mucaaridka ah uga qeybgalay kulankaasi waxay kala ahaayeen sidan:
Xisbiga UDUB Waxa uga qeybgalay:
1. Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bulaale
2. Maxamuud Cabdi Malow
3. Maxamed Ibraahim Rijaal
Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE waxa uga qeybgalay:
1. Axmed Xaaji Cali Cadami
2. Xuseen Axmed Caydiid
3. Cabdikariin Axmed Xinif
Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID waxa uga qeybgalay:
1. Gudoomiye Kuxigeenka kowaad ee Xisbigaasi
UCID Aadan Maxamed Mirre Waqaf
2. Afhayeenka Xisbigaasi Xasan Xuseen Codyare
3. Keyse Cali Geedi
Sidoo kale waxay wararku sheegayaan inay Sadexda Xisbi iyo Komiishanku ay isla go’aamiyeen hirgelinta diwaangelinta codbixiyayaasha, inkasta oo ay deeqbixiyayaashu ay dhawaan sheegeen inaanay wax lacaga ku bixinayn qabsoomida diwaangelinta codbixiyayaasha.
Courtesy:Hadhwanaag