nagalasoo xidhiidh:news@iftin.net | webmaster@iftin.net| dhageyso radio Burco sabti kasta kala soo xidhiidh radio@radioburco.com



..........................................................................................................................................
  • Home
  • News
  • Archives
  • Profile
  • Contact Us
  • Waxaannu soo dhawaynaynaa afkaartiinna iyo xayaysiisyadiinna:
  • nagalasoo xidhiidh:
  • webmaster@iftin.net
  • Wararka
  • news@iftin.net


  • Useful Links:
  • Iftin Network
  • Somaliland.org
    News Papers:
  • Jamhuuriya
  • Haatuf
  • Maandeeq
    Education:
  • Burao University
  • Harg University
  • Amoud
  • Madaarka Burco oo Sideed Bilood ka dib Diyaarad soo Fadhiisatay

    Burco Madaarka Magaalada Burco oo mudo sideed bilood ah xidhnaa ayaa maanta markii u horeysay ay soo fadhiisatay Diyaarad ay leedahay Shirkada Daallo Airlines.

    Diyaaradan soo cagadhigatay maanta ayaa waxay qaaday rakaab u dhoofayay wadanka imaraadka carabta,Maamulaha Madaarka Burco Cabdi Yaasiin oo Jamhuuriya wax ka waydiisay Sababta uu xidhnaa Madaarku mudada dheer ayaa ku sheegay inaanu dhinacooda ka xidhnayn,dhibaatana ka jirin Balse ahayd Rakaabkii diyaaradu u soo qaadi lahayd dhinaca Burco oo yaraaday,ka dibna diyaaradii joogsatay “Waxaan rajaynayaa in hada si caadi duulimaadkii diyaaradu u bilaabmay”Ayuu yidhi.

    Mudada Madaarku xidhnaa ayaa dadka rakaabka ah ee Reer Burco ee ka imanaya dibadaha iyo kuwa u dhoofayaaba ay diyaaradaha ka raaci jireen Magaalada Hargaysa,Waxayna shacbiga Burco arintan ka muujiyeen cabashooyin badan,iyo dhibaatooyinka ka soo gaadha.

    Dhankale,Wasiirka Duulista iyo Hawada Mudane,Cali Warancade ayaa mar uu booqasho ku yimi Burco waxa uu balanqaaday in Madaarka bilcdiisa iyo hagaajintiisa waxbadan ka qabandoono,haseyeeshee fulintii balanqaadyadaas halkii laga sugayay ayaa madaarkii xidhnay oo diyaaradihiina u wareegeen dhinaca Hargaysa,Mr.Warancadena ilaa xiligaa markaliya kama hadal sababta Madaarka Burco u xidhan yahay

    Xigasho Jamhuuriya

    All Rights Reserved. Iftin Network © MMVIII.
    webmaster@iftin.net

  • Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ahna Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Rayaale
  • Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo
  • Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe
  • Contact Us