Golaha Guurtida Somaliland, ayaa fadhi albaabadu u xidhan yihiin oo ay shalay yeesheen waxa uu digniin kama dambays ah siiyey laba Mudane oo ka tirsan golahaas, kuwaas oo ka soo horjeedsaday go’aankii Goluhu bishii hore 10-keedii ku gaadhay muddo-kordhin hal sanno ah oo uu u sameeyey Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo muddo-xileedkoodii sharciga ahaa kaga eekaa 15-kii bishan aynu ku jirno.
Labadan Mudane oo kala ah Md. Aadan Shire Faarax iyo Md. Cabdisalaan Maxamed Siciid, ayaa sida lagu sheegay qoraal uu Shirguddoonku mudanayaasha u akhriyey, waxa digniintani ka dambeysay mooshin ka dhan ah xubinimada golaha ee labadan Mudane oo ay golaha soo hordhigeen ilaa 40 mudane, kuwaas oo ku eedeeyey inay ku kaceen falal anshax-darro ah oo aan loogu dulqaadan karin ka sii mid ahaanshaha golaha. Haseyeeshee Shirguddoonka golaha, ayaa qoraalkoodaa ku sheegay inkastoo labadaa mudane jebiyeen qodobo dastuuri ah oo ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay, haddana iyagoo xeerinaya duruufo kala duwan oo jira ay golaha u soo jeedinayaan in maamuus ka xayuubinta labadaa Mudane dib loo dhigo oo aan maanta lagu fulin, balse digniin culus loo jeediyo si ay uga waantoobaan dhaqan-xumadda, ficil-xumadda, anshax-xumadda, xil-kasnimo-daradda iyo sharaf-dhawris la'aanta Golaha, taasi oo soo-taxnayd illa muddo aan ka yarayn 10 Sano.
Sidoo kale waxa iyagana Shirguddoonku digniin qoraal ah siiyey saddex mudane oo kale, kuwaas oo kala ah Md. Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac, Md. Cawil Xuseen Axmed iyo Md. Axmed Dirir Cali oo iyagana lagu eedeeyey inay ku kaceen arbushaad iyo khalkhalgelin gole iyo gacan ka hadalba.
Fadhiga shalay oo uu Guddoominayey ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Guurtidu Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, ayaa ahaa mid aan warbaahinta iyo martisharafkii kale ee ka soo qaybgalay dhigaysiga fadhigaas aan loo ogolaan, iyadoo laga dalbay inay dibada uga baxaan. Waxa kale oo iyagana fadhiga laga saaray dhammaan shanta mudane ee digniinta loo jeediyey.
Haddaba, qoraalka uu Shirguddoonku digniinahan kala duwan ugu jeediyey mudanayaashan, loona akhiryey mudanayaasha, kaas oo ay ku saxeexnaayeen labada Guddoomiye-ku-xigeen Sh. Axmed Sh. Nuux Furre iyo Siciid Jaamac Cali iyo Xoghayaha Guud ee goluhu Cabdillaahi Ibraahim Habbane, ayaa nuqul ka mid ah aannu helnay waxa isaga oo faahfaahsan uu u dhignaa sidan:
“Mudanayaal; Annaga oo tixraacayna mooshinkii ay soo jeediyeen Mudanayaal ku dhaw Afartameeye (40's), kuna saabsana in maamus ka xayuubin lagu sammeeyo laba Mudane oo kala ah: - 1 Mudane Aadan Shire Faarax iyo Mudane Cabdisalaan Maxamed Siciid, soona gaadhay Shir-guddoonka 28/04/2008.
Haddaba, markii aannu shir-guddoon ahaan darisnay arrimaha ay ka soo gudbiyeen Mudanayaashu labadaasi Mudane, isla-markaasna aannu tafsiir sharci ka helnay sharci-yaqaano waxa loola jeeddo, Xil-kas iyo Akhlaaqdiisuna toosan tahay: -
1. Xilkas- waxaa loola jeedaa inuu yahay qof leh damiir uu ku garan karo mas'uuliyadda qof ahaan saaran, isla markaasna maanka ku haya Hawlaha hor-yaala iyo Gudashadeeda si hufan oo daacadnimo ku jirto, ujeeddo la'aan, una cabbira ra'yigiisa si mas'uuliyadeed oo aanay ku jirin caadifad iyo in uu aragtidiisa ama ra'yigiisa ku meel-mariyo buuq iyo arbush.
Xilkas waxa loola jeedaa oo kale in uu yahay qof hay'badda, karaamadda & sharafta Golaha dhawra, Goob-kasta iyo meel-kasta oo u taagan yahay, kana horaysiiya danta guud arrimihiisa gaar-ahaaneed, waajibaadkiisana u guta si waafaqsan nidaamyadda iyo shuruucda u ku shaqaynayo ee uu mudanaha ku yahay iwm.
2. Akh-laaq-diisu toosan tahay: - Waxa loola jeedaa inuu yahay qof hab-dhaqankiisu toosan yahay, oo ka fayow been abbuur, faafinta macluumaadka iyo sirta Golaha, ku dhex leh Bulshadda dhaqan hufan oo huwan sharafta mudanenimo, aan lahayn af-lagaado, gacan ka Hadal iyo in uu rabitaankiisa ku meel-mariyo dagaal iyo jaha-wareerin.
Akhlaaqdiisu toosan tahay: - waxa kale oo ay tahay in uu yahay qof ka dhowrsoon afcaasha dhaqan-xumadda ah ee ka reeban qof mas'uuliyad qaran haya, huwana sharafta iyo hay'badda Qaranimo, kana fog wax-kasta oo wax-yeelaya sumcadda iyo sharafta Golaha uu ka tirsan yahay (Contempt of the House), una meel-daya ficilkiisa iyo qawlkiisaba, ayna hoggaamina doonistiisa daneed ee u adeegidda maslaxadiisa gaar- ahaaneed iwm.
Waxa caddaatay in ay jabiyeen Qoddob Dastuuri ah oo ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay, Sidaasi darteed, shir-guddoon ahaan iyadda oo la xeerinayo duruufo kala duwan oo jira awgeed, waxan Golaha u soo jeedinayna, kana codsanayna: -
1. In maamuus ka xayuubinta Labadaas Mudane ee kala ah: -
a) Aadan Shire Faarax
b) Cabdisalaan Maxamed Siciid
Dib loo dhigo, maanta oo aan lagu fullin waqtigani maanta ah.
2. In haddii fal dambe oo noocaasi oo kale ay galaan ama la yimaadaan, kii la yimadaaba ay shir-guddoonka Golaha Guurtidda waajib ku tahay in laga saaro Golaha, iyadda oon loo baahnayn cod-qaadis dambe oo ah maamuus-ka-xayuubin.
3. Soo-jeedintani Shir-guddoon ahaan, haddii uu Goluhu cod-ku-ansixiyo waxay noqonaysa Go'aan Gole oo kayd ugu yaalla, laguna camal-fali doono haddii ay mar-kale dambi noociisa oo kale ah la yimaadaan oo Golaha ku ah sharaf dhac & sumcad ka dilis.
4. Waxa fursad la siiyay labadaas Mudane ee kala ah Aadan Shire Faarax & Cabdisalaan Maxamed Siciid, si ay uga waantoobaan dhaqan-xumadda, ficil-xumadda, anshax-xumadda, xil-kasnimo-daradda iyo sharaf-dhawris la'aanta Golaha, taasi oo soo-taxnayd illa muddo aan ka yarayn 10Sano.
Dhinaca kale, waxa Shir-guddoonku Go'aamiyay in uu digniin qoraal ah siiyo Mudanayaasha kala ah: -
1. Cabdiraxmaan Cusmaan Jaamac
2. Cawil Xuseen Axmed
3. Axmed Dirir Cali
Kuwaasi oo ku kacay arbushaad iyo khal-khal gelin Gole, gacan ka hadal iyo hanjabaad ay kula kaceen Golaha iyo shir-guddoonkaba.
Digniintaasi oo u geli doonta faylkooda, waxa laga codsanayaa in ay muujiyaan dhaqan Guurtinimo, kana waantoobaan wax kasta oo sharaftooda iyo ta Golaha ay ka tirsan yihiin wax u dhimaya.
Ugu dambayntii, Shir-guddoonku wuxu isla-meel-dhigay habkii iyo ficilkii laga qaadi lahaa Mudanayaasha maqnaashahoodu muddo-dhaafka noqday.
Guud ahaanba, Golaha waxa laga codsanaya in ay muujiyaan Isu-dul-qaadasho, xil-kasnimo iyo in ay maslaxadda Golaha iyo ta Qarankaba u gutaan si waafaqsan akhlaaqiyaadka iyo dhaqanka mudanenimo iyo dhaqanka Guurtinimo. Waa waajib in mudanuhu fikirkiisa u dhiibto si deganaan iyo caadifad la'aan ah, waayo wax gaar ah oo cidi leedahay Golahani ma hayo, marka in si miisaamaan oo caqliga gasha lehna curfiga dawladnimo loo dhiibto afkaarta ayaa muhiim ah, mudanuhuna aannu doonistiisa iyo fikirkiisa ku meel-marin dagaal iyo gacan ka Hadal, khal-khal gelin iyo arbushaad Golaha dhexdiisa ah.
Waxan inoo rajaynayna dhammaanteenba in uu Illaahay ina garansiiyo dariiqa san ee toosan.”
Soo jeedinta qoraalkaas golaha la hordhigay oo cod loo qaaday, waxa ogolaaday ansixintiisa 58 Mudane, cid diiday ama ka aamustayna may jirin, Guddoomiyuhuna muu codayn, tirada mudanayaasha kooramka jooganayna waxay ahaayeen 59 Mudane.
Markii fadhigu dhammaaday ee mudanayaashii dibada loo saaray ee tallaabadaa laga qaaday ay maqleen warka, ayaa iyaga oo qaarkood aad u cadhaysan waxay Shirguddoonka u sheegeen in go’aan kasta oo laga qaado aanay u afduubnaanayn UDUB iyo taageeridiisa toona, balse mar walba sidii xaq ula muuqata ay samaynayaan.
Md. Cabdisalaan Maxamed Siciid oo ka mid ah labada mudane ee digniinta culus loo soo jeediyey, ayaa isaga oo warbaahinta la hadlayey waxa uu yidhi; “Waxa digniintaa la igu siiyey ma garanayo, wax qoraal ah la i siiyeyna ma jiro, sida saxaafadda fadhiga looga saaray baa anigana la iiga saaray. Haddii laga tagi waayo waxaan ku idhi waar xisbiyada aynu la tashano illeyn waxaynu nahay gole dadka u dhexeeyee, markaa mooshin baan keenay ahaa in dib-u-eegis lagu sameeyo go’aankii goluhu muddada halka sanno ah ku kordhiyey oo aan idhi wax baa ka qabyo ahaa, kaas oo ahaa in la waafajiyo golaha deegaanada xeerka Diiwaangelinta, kaa haddii lagu igu haysto dee sharci baan ka hadlay, waxaana ii jidaynaya dastuurka.”
SOURCE: JAMHUURIYA