Waxan ku arkay shebekadda wararka ee Oodweyne inay doonayaan ama kuba baaqeen dhexdhexaadin 12 ka mid ah Salaadiinta Somaliland.
Waxaynu wada ogsoonahay oo aanu raadkiisii duugoobin dhexdhexaadintii ay isxilqaanka iyo damqashada ku galeen 13kii xubnood ee ay hogaaminayeen abwaanada ugu miisaanka culus arligeena ee Hadraawi iyo Gaarriye Alla ha'dhawree.
Way gar-naqeen cadaalad iyo lafo gur xarrago lehna way kusoo geba-gebeeyeen lagama hoos qaadin eeddana lama wada lahayn. Xukuumadda waxa laga helay horraantii ogaansho kalsooni bixin shafawiya. waxay kaga daba dhawaaqday gar-ddiidnimo. Badhifur iyo ballan Eebe kabax baa la' arkay, fogeen iyo waxay ergadu wanaag moodey oo lagu gacan saydhay baynu xasuusanahay, aflagaado iyo eedayn aanay geyin ayay kala xishoonweydey xukuumaddu odayaasha, kalaqaybin iyo xod-xodasho ergo oo aynaan dhaqan iyo dhirsooctoona u lahayn baa dhegeheena kasii qaylinaya.
Salaadiiney waxad markhaati ka tihiin Markabkii Al-xarbi saliida u sidey eed idinkoo isku duuban Salaaddiinta Somaliland oy ku jiraan kuwa reer Awdal ayuu idinka diidey Daahir Riyaale Kaahin inuu faraha ka qaado hantida muwaadinka ganacsadaha ah ee cashuur-bixiyaha ah.
Cadaawad qaawan bay ahayd, xaalad abuur bay ahayd, dibin daabyay ahayd, dulmi iyo dakharro jaan bay ahayd, duur xul iyo dir nacayb bay ahayd, damqasho iyo doog aan ba'ayn bay ahayd, dawladnimo awoodeed dadka ugu muruq sheeego bay ahayd, qallooc iyo wallaahi qadhaadh bay ahayd, iyo an idhaahdo qaafaf qarddo qarsoon bay ahayd.
Salaadiiney hadaad Ilaahay kelinimadii kaga cabsataan oomas'uuliyada idin saaran garanaysaan oo waxaan xusayaa jireen ood ogtihiin, maxaa idinku kallifeya inaad tidhaahdaan dhex-dhexaadin baanu ka gelaynaa dhabaqa jira? ma' khiyaamaa xaasha e' waddaan? ma' xaaraama cunaa ilowdeen? ma' xikmad soo degtey iyo xaq-darro ka noqoshaa ogtihiin? weydiinahaa idinkaa uga jawaabi Ummadda Somaliland.
Waxa loo geestey dadka intaasu waa u sadaqad e' hadaad ku canqiweydaan. oo tiinu idiin caddahay waxaan sharddi looga maarmayn sidan.
a) TAAGEERA OO MEEL CAD ISKA TAAGA GO'AANKII KUMISHANKA iyo 3da XISBI EE UDUB, UCID, iyo KULMIYE ISLA QAATEEN DEEQ BIXIYA-YAASHUNA KU CANQEEN.
b) CANBAAREEYA GO'AANKII BADOWNIMADA AHAA EE AY GUURTIDU KU FIDNAYSAY HESHIISYADA DISTOORIGA AH, KUNA FOGEYNAYEEN DIMUQRAADIYADII DALKEENA AQOONSIGA U DAAH FURAYSEY.
b) OGOLAANSHO QORAAL AH OON QAWL AHAYN OOD KA QAADAAN DAWLADDA SI KALSOONIDU DHANWALBA U SUGANTO. DABCAN WAXII LAYS YIDHAADONA AAN LOO WAAYIN.
FIIRO GAAR AH
vXisbiyada mucaaridka ah UCID iyo Kulmiye waan idiinku mahad naqaynaa wadajirka qaranimo iyo weedh isla qaadashadiina wadaninnimo, waxanse idin xasuusinayaa, waar dadkii idinkuu iskiin daba taagayaa e' hogaamiya oo yaan laydin khalddin yaan laydin khiyaamayn dareenka Tukaha yeesha. Somaliland hanoolaato, ammaano Alla.
Axmed Xaji Yuusuf Ducaale,London,UK.