Ciidamada Booliska ayaa caawa si argagixisonimo ah uga qabtay Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa, Abshir Xasan Xaashi oo mar ahaa darawalka khaaska ah ee Marwada Madaxweyne Riyaale, haatanna ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE.
Sida ay sheegeen dad goobjoog ahaa, Abshir Xasan, ciidan boolis ah oo watey dhawr gaadhi ayaa caawa fiidkii hore ku soo weeraray hotelka Imperial oo ay ku caweynayeen isaga iyo odayaal kale oo ay ku jireen xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, halkaas oo ay xoog kaga taxaabeen, kadib markii uu diidey inuu ku raaco waaran la’aan. Waxaana la geeyey saldhigga dhexe ee Booliska oo uu hadda ku xidhan yahay.
Goob-joogayaashu, waxay sheegeen in Abshir markii uu u hore u yimi sarkaal boolis ah oo watey laba askari oo kale, kaas oo ku amray inuu u raaco saldhiga, balse, uu Abshir diidey, isaga oo weydiistey inuu ku raacayo keliya waaran maxkamaddeed.
Waxaana wax yar kadib soo gaadhey hotelka dhawr gaadhi oo ay saaran yihiin Boolis, kuwaas oo xoog ku kaxeeyey.
Lama garanayo sababta loo xidhay ninkaa dhallinyarada ah. Hase yeeshee, waxa soo baxday laba toddobaad ka hor in boolisku ay doondoonayey, dhawr goorna uu boolisku eryadey gaadhi uu saarnaa. Waxaana markii u horreysey la maqlay isku dayga xukuumaddu doonayso inay xabsiga u taxaabto Abshir Xasan Xaashi, 10 April, markii ciidan Boolis ahi ay tageen Hoolka Panorama oo ay ka socotey xaflad xisbiga KULMIYE ku qaabilayey in kabadan 600 oo qof oo isugu jirey haween iyo Dhallinyaro ku biiray xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ay hoggaaminaysey Guddoomiyihii Garabka Haweenka ee Xisbiga UDUB, Marwo, Xusni, iyada oo warar laga helay booliskaasi ay sheegeen in loo soo diray inay qabtaan Abshir oo ka mid ahaa qabanqaabiyayaasha xafladda, balse, ay ku guuleysan waayeen in la qabto.
Wararka arrintan la xidhiidhaa waxay sheegayaan in Abshil laga daba joogo xafladda dadkaa ku biiray xisbiga KULMIYE oo Madaxtooyadu rumaysan tahay inuu isagu ka dambeeyey.
Aargoosiga loo isticmaalayo awoodda dowladda ayaa wax caadi ah ka noqday xukuumadda Madaxweyne Riyaale. Waxa hore loo xidhay Oday weyn oo reer Burco ah oo dhowaan ku biiray xisbiga KULMIYE, Deyr Maxamed Cilmi iyo Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga KULMIYE, Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamaji) oo labadaba lagu eedeeyey qarax ka dhacay xarunta Golaha Guurtida, balse, kadib la iska sii daayey, iyada oo wasiirka arrimaha Guduhu uu sheegay in wax dembi ah lagu waayey. Waxaana la ogaadey in laba wasiir oo ka tirsan xukuumaddu ay bixiyeen amarka lagu xidhay, kuwaas oo kaga aarsanayey aragtidooda siyaasadeed. Sidoo kale, waxaa muddo toban maalmood ka badan ugu xidhan saldhigga dhexe maxkamad la’aan Agaasimihii hore ee Cashuuraha Berriga, Cilmi Cabdi Abokor oo la sheegay in loo xidhay isku dhac shakhsi ah oo dhexmaray isaga iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.
Hase yeeshee, xadhigga Abshir Xasan Xaashi ayaa dad badani werwer ka muujiyeen, iyaga oo ka baqaya in ninkaas dhibaato loo geysto, maadaama uu sir badan ka hayo qoyska Madaxtooyada oo uu aad ugu dhowaa, marna uu shaqaale khusuusi ah u ahaa tan iyo wakhtigii Madaxweyne Riyaale uu taliyaha Nabadsuggidda ee Berbera, wakhtigii dowladdii Siyaad Barre. Waxana uu qoysku cadaawad xun u qaaday ninkaas, kadib markii uu u markhaati furay Wargeyska Haatuf markii Guddoomiyaha iyo Tifatiraha Wargeyskaas loo xidhay horraantii 2007 xogo ku saabsan musuqmaasuq iyo hanti uu meelaystay Qoyska Madaxtooyadu oo uu faafiyey.
XG SOMALILAND.ORG