nagalasoo xidhiidh:news@iftin.net | webmaster@iftin.net| dhageyso radio Burco sabti kasta kala soo xidhiidh radio@radioburco.com



..........................................................................................................................................
  • Home
  • News
  • Archives
  • Profile
  • Contact Us
  • Waxaannu soo dhawaynaynaa afkaartiinna iyo xayaysiisyadiinna:
  • nagalasoo xidhiidh:
  • webmaster@iftin.net
  • Wararka
  • news@iftin.net


  • Useful Links:
  • Iftin Network
  • Somaliland.org
    News Papers:
  • Jamhuuriya
  • Haatuf
  • Maandeeq
    Education:
  • Burao University
  • Harg University
  • Amoud
  • Xarun Cisbitaal Cusub oo laga furay Magaalad Burco

    Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Jamhuuriyada Soomaaliland ayaa maanta xadhiga ka furay Cisbitaal Cusub oo loogu magic daray AL-MANHAL oo laga furay magaalad Burco ee Gobolka Togdheer.

    Cisbitaalka oo noqon doona midkii labaad ee noociisa ee ku yaala magaalada Burco, waxaa saaka lagaga dhawaaqay furitaankiisa xaruntiisa oo ku taala koonfurta magaalada, kaasi oo ay ka soo qeybgaleen furitaankiisa wasiiro, xildhibaano, madaxda xisbiyada Qaranka, salaadiin, wefti ka socota wadanka Kuweyt oo iyagu gacan ka geystay dhismaha cisbtaalka, maamulka sare ee Jimciyada Al-manhal, maamulka cisbitaalka ,saraakiil ka socota iyo boqolaal qof oo isugu jira Aqoon-yahan, Dhakhaatiir, Duqay, Hay’adaha samafalka iyo dad weyne kalaba .

    Wasiirka caafimaadka Cabdi Haybe oo saaka furitaanka cisbitaalkan hadal ka jeediyey ayaa waxa uu daboolka ka qaaday inay wasaaradiisu ay sanadkan qorshaynayso inay maalgalinayso (2) cibitaal oo waawayn . oo laga hirgalinayo Gobolada bariga Somaliland in kasta aanu xusin meesha ay noqon doonaan.

    Wasiirkani waxa uu xusay anuu cisbitaalkani noqondoono mid faa’iidoyin dheeraada ku soo kordhin doona magaalada Burco, balse waxa uu carabka ku dhuftay inaanu noqon mid lagaga hadho halka la soo gaadhisiiyey.

    " cisbitaalkani yaanu noqon mid fadhiisiya cisbitaal kale ee ha la taabagaliyo" ayuu yidhi.

    Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng. Faysala Cali waraabe oo saaka hadal ka jeediyey waxaa uu talaabo hurumara ku tilmaamay cisbitaalkan oo uu xuay inuu mushkilad ka faydi doono bulsho badan reer soomalilamd.. waxaanu kale oo ugu baaqay inay daweynaha Burco ka qayglaaan diiwaangelinta doorashooyinka.

    Gudoomiyaha Ucid waxa kalde oo uu ka hadlay arinta xoolaha , waxaanu ka dalbaday xukuumada soomaaliland inay si salmiya ku soo af jarto arinta xoolaha, isaga uun ugu yeedhay gacansatada xolahana inay xaq dhowraan siyaasada dawlada.

    Cisbitaalkan maanta furitaankiisa lagaga dhawaaqay magaalada Burco o ay ku baxday lacag dhan $300.000 US ,kaasi oo ay dhismahiis iska kashadeen fulintiisa, muwaadiniin kuweyti ah, shirkada dahabshiil, qaadhaamo ay ku deeqeen dadweynaha Burco, iyo weliba Jimciyada Al-manhal oo iyadu isku dubariday hawshan.

    Dr.Maxamuud Axmed Maxamed ‘Shiine) oo ah wakiilka soomaaliland ee Al-manhal oo maanta faah faahin ka bixinayey qaybaha cisbitaalkan ayaa waxa cadeeyey inuu cusbitaalkani ka kooban yahay ilaa iyo shan qaybood oo kala; Qaybta caruura, Dumarka, Qaliinka, Indhaha, iyo daaweynta guud, kaasi oo dadweynaha laga qaadi doono qime macquula.

    Wakiilkani waxa u xusay in ujeedada laga leeyahay cisbitaalkani ay tahay in baahida caafimaad ee bulshada Bariga Soomaliland loo helo qaab lagu asturo., waxaanu ka dalbaday dadweynaha inayn ku taburacaan sidii loosii wadi lahaa dhiirigalintiisa.

    "Mashruucan oo aflaxaa waxa uu fure u noqonayaa in laga furo gobolo kale" ayuu yidhi. Sidoo kalena Sheekh Abu sacad Mubarik Al- cajam oo ka mida wefti kuweyti oo iyagu ka dabeeyey maal gelinta mashruucan ayaa waxa uu kaga dhawaaqay munaaasibadaasi in ujeedada ay u bixiyeen lacagtani ay tahay inay shacbiga soomaaliland kala qaybqaataan baahida ka haysata caafimaadka.

    ‘waxaanu danaynaynaa inaanu idinla wadaagno baahida aad qabtaan, waxaanu doonaynaa in dawlada soomaalilland doorkeeeda qaadato,shacbiuna yaanu faraha kala bixin cisbitaalka, waayo? anigu shacab ayaan ka soo ururiyey, walaalahayga kuweyt-na salaan ayaan idiiinka sidaa ayuu yidhi".

    Munaasibadaasi waxa iyaguna ka mid ahaa masuuliyyintii ka hadashay, dr. cabdi aw daadir oo ka mida masuuliyiinta xisbiga Kulmiye, ayaanle cismaan Ibraahim oo isaguna ka mida xisbiga Udub,wassiru dalaha caafimaadka Axmed Cali Shire iyo weliba mudiirka Jimciyada Al-manhal Sheekh Jaamac Cabdi Axmesd oo dhamaantood soo dhaweeyey furitaanka cisbitaalkan, isla markaana goobtaasi isku weydaarsaday dodo ku wajahan dhinaca siyaasada.

    Reported By:
    Yuusuf I.Warsame
    Ilkacase,Burco
    Xagaa67@hotmail.com

    All Rights Reserved. Iftin Network © MMVIII.
    webmaster@iftin.net

  • Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ahna Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Rayaale
  • Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo
  • Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe
  • Contact Us