Ceel-afweyn waa magaalo aan martidu ku qadin, waxay leedahay taariikh fog waa meel dadku isku duubanyahay markay timaado dan guud sidii ka muuqatey 16/4/2008 bannaan baxooday ku taageereen heshiiskay wada saxeexeen Kumishanka Qaran iyo 3da xisbi ee Kulmiye,UCID,IYO UDUB.
Waa magaaladii marti gelin ku soo saartay halgamihii qaaliga ahaa xonimada Michael Maryaano ee ka sharraxnaa xibigii NUF 1960kii.
waa magaalo ka bulsha kooban magaalooyinka waa weyn ee Somaliland, laakiin la' wadaagta soosaarka ragga ku habboon daadihinta Dawladnimo iyo door u xulka xornimo.
Haday Burco ahayd muftaaxii xoraynta Somaliland 27kii May 1988.
Ceel-afweynna hal maalin bay ka danbeysey Burco. Waxay ahayd magaaladii faqashtu ku luuf-lluuftay markay mujaahidiintu xoog ku soo galeen 28kii May 1988. Waa magaaladii ugu hor xorowdey Somaliland iyadoo sidaana lagu xusay shir weynihii SNM ee Balli-gubadle.
Maantana Ceel-afweyn waxay si madh & mug leh u cadeysay mowqifkeeda.
waxay Bannaan-bax ku taageertay heshiiskii masiirkeena ee ay wadajirka u saxeexeen kumishan iyo dhammaan xisbiyada ka jira Somaliland iyadoo UDUBna ka mid ahaa.
Ceel-afweyn waxay soo dhoweysey wada-jirka iyo waajib isku raaca 2da xisbi mucaarad ee UCID iyo Kulmiye.
waxay cambaaraysay dhawaaqii Guurtidu Somaliland ku dhabar jebinaysey.
waxay ka dhawaajisay inay dareenka Hargeysa la'wadaagto
waxa ka badheedhay inay Burco banaan-baxa ku weheliso waxa lagu abaalindoona Taariikhda ka qabyada ah Somaliland hadii Eebe idmo.
hadaad akhyaarey moodayseen nin cidla ka qaylinaya oo maqaalada miciinsaday maaha dhab. Waakaa dadkaygii mowqifkooda maalin cad muujiyey.(Jirrid aan go'aynoo xidid jiidataan ahay jar hadaad isleedahay jidiib ima karaayo e' ha' jidiin cadaanina hadal ima jareeyee)
Shacabkii Ceel-afweyn waakaa Hargeysa iyo Burco la' jaan qaaday
waakuwaa Ucid iyo Kulmiyeba isugu soo baxay fagaaraha.
Adeer dadku waa isku dookh Dalkana waa u rag-dooro dibin-daabyo ka dhawra doorashooyin xalaala iyo distoorkeena dhammeeya.
Intaasu hordhac iyo bariido dheh, Hogoshiina way da'aysaa e' amaano-Alla
Axmed Xaji Yuusuf Ducaale,London,UK.