Burco Shir ay isugu imanayaan Salaadiinta, waxgardka, Cuqaasha, Siyaasiyiin, Xildhibaano ayaa la filayaa inuu beesha bariga Burco uga furmo berrito magaalada Burco. Shirkan oo la sheegay qabanqaabadiisu inay socotay maalmihii u dambeeyay ayaan ilaa hadda si rasmi ah loo ogayn ujeeddadiisa iyo arrimaha lagaga wadahadlayo.
Sida ay xaqiijiyeen xubno ku dhowdhow shirkaas, ayaa tibaaxaya in arrimaha ugu waaweyn ee lagaga hadlayo ay ka mid noqon doonaan Xaaladda siyaasadeed ee haatan dalku marayo, hadalo dhowaan lagu baahiyay TV-ga Qaranka iyo saxaafadda qaarkood oo la sheegay in lagu aflagaadeeyay Beeshaa iyo danaha guud ee beesha. Waxa kale, oo wararku intaas ku dareen in gebagabada shirkaa lagu soo martiqaadi doono qaar ka mida beelaha Somaliland, balse lama sheegin kuwa ay noqondoonaan, waxa kale oo iyaguna la sheegayaa in xildhibaannada beesha Bariga Burco kaga jira golayaasha wakiillada iyo Guurtida ay hadda soo wadagaadheen magaalada Burco si ay uga qaybgalaan shirkaas Beesha ee maanta furmaya.
Si kastaba ha ahaatee ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u shaacisay qabashada shirkaas iyo ujeeddooyinka dhabta ah ee ka dambaysa iyo sababta keentay qabashadiisa xilligan.
Xigasho: Jamhuuriya