nagalasoo xidhiidh:news@iftin.net | webmaster@iftin.net| dhageyso radio Burco sabti kasta kala soo xidhiidh radio@radioburco.com



..........................................................................................................................................
  • Home
  • News
  • Archives
  • Profile
  • Contact Us
  • Waxaannu soo dhawaynaynaa afkaartiinna iyo xayaysiisyadiinna:
  • nagalasoo xidhiidh:
  • webmaster@iftin.net
  • Wararka
  • news@iftin.net


  • Useful Links:
  • Iftin Network
  • Somaliland.org
    News Papers:
  • Jamhuuriya
  • Haatuf
  • Maandeeq
    Education:
  • Burao University
  • Harg University
  • Amoud
  • Golaha Wakiillada oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisaaniyadda dowladda ee 2008 iyo 2 wasiir

    Hargeysa Mudanayaasha Golaha Wakiillada ayaa Maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey odoroska miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2008-da, ka dib markii ay dhawr maalmood ka hor guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladdu ka dalbay golaha inay sideeda ku ansixiyaan miisaaniyadda 2008-da.

    Fadhigan oo uu gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Ciro” waxa uu mudanayaasha golaha ka dalbaday inay ansixiyaan miisaaniyadda 2008-da ee golaha hor taala.

    Waxaana fadhigan ka soo xaadiran 57 mudane waxa ogolaaday in miisaaniyada duuduub lagu ansixiyo 54 Mudane, waxa diiday 2 Mudane, cid ka aamustayna may jirin, Gudoomiyuhuna muu codeyn.

    Waxaanay ahayd miisaniyada sanadkan 2008-da mid ka duwan miisaaniyadihii hore u soo maray golaha wakiilada kuwaas oo muran iyo khilaaf ka dhex abuuray xukuumada Riyaale iyo golaha wakiilada oo ay hormuud ka ahaayeen shirgudoonka wakiilada iyo gudiga dhaqaalaha, hase yeeshee miisaaniyaddani waxay ahayd mid ay ka soo wada hadleen isla markaana ay kulamo ka soo yeesheen shirgudoonka golaha wakiilada iyo Mudane Riyaale sidoo kale waxa kulamo dhawr goor ka soo yeeshay miisaaniyada masuuliyiinta wasaarada maaliyada oo uu hogaaminayay wasiirka maaliyada Cawil Cali Ducaale iyo guddiga dhaqaalaha.

    Dhinaca kale waxay mudanayaasha golaha wakiiladu fadhigoodii manta ku ansixiyeen laba wasiir oo ka tirsan xukuumada riyaale kuwaas oo kala ah wasiiru-dawlaha wasaarada waxbarahada Mr Maxamuud Garaad Maxamed “Qaw” iyo wasiirka wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Mr Maxamed Hagar Dirir oo ah wasiirkii dhawaan lagu bedelay Mudane Fu’aad Aadn Cade.

    Waxaanay labadan wasiir ee la ansixiyay ka soo jeedaa deegaanka gobolka Sool ee Jamhuuriyada Somaliland.

    xigasho Somaliland.org

    All Rights Reserved. Iftin Network © MMVIII.
    webmaster@iftin.net

  • Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ahna Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Rayaale
  • Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo
  • Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe
  • Contact Us