“Laaca Aragtaye Laagga Ma Ogtahay”
DNS waa urur ka shaqeeya kobcinta dimqradiyada Somaliland iyo nidaamka axsaabta badan ee ay Somaliland qaadatay oo saldhigiisu yahay wadanka Ingriiska
“Laaca Aragtaye Laaga ma ogtahay”
Waxaynu ognahay in dalku galay xaalad murugsan oo siyaasadeed.waxaynu dareen sanahay siday muhiim lagama marmaan ah u tahay isu soo dhawaan iyo is faham dhexmara axsaabta siyaasada kaas oo keeni kara in xal midaysan laga gaadho siyaasadan cakiran iyadoo loo danaynayo dalka shacbigaba.
Hadaba markaanu daraasaynay taariikhda doorashooyinka somaliland iyo qaabkay u qabsoomi jireen.
Markaanu daraasaynay diiwaan gelinta codbixiya yaasha iyo marxaladihii ay soo martay.
Markaanu daraasaynay qiimayntii ku saabsanayd Somaliland Voter registration system ee uu qoray Jeremy Grace oo ah khabiir ku takhasusay system-ka diiwaan gelinta codbixiyayaasha oo ka mid ahaa gudi ka socda creative Association oo loo xulay inay qiimeeyaan diwaan gelinta codbixiyayaasha Somaliland.
Markaanu aragnay In doorashooyinkii la soo maray oo dhamaantood u qabsoomay si habsami ah ay Somaliland ku heshay qadarin caalami ah taas oo ah ta keentay in wadamada aynu saaxiibka nahay inagu caawiyaan sidii aynu u diiwaan gelin lahayn codbixiyayaasha si loo yareeyo dadka ku noqnoqda codbixinta, doorashooyinkuna ugu qabsoomaan si ka fudud sidii hore.
Markaanu aragnay In sida ku cad warbixinta Jeremy Grace uu khaladaad badani ku jiro diiwaan gelinta codbixiyayaasha kaas oo aan lagu sixi Karin mudada yar ee ka hadhay doorashada.
Markaanu aragnay In sida ku cad warbixnta Mr Jeremy in ka badan 50% dadka is diiwaangeliyay aan laga qaadin faro isla amrkaana aanay labada system ee Finger print identification iyo face recognition oo ah labada system ee loogu tala galay in lagu saxo diiwan gelintu aanay isula jaan qaadaayn sidii la rabay.
Markaanu aragnay In si loo soxo diiwaan gelinta codbixiyayaasha loo baahanyahay khubaro iyo qalab dheeraada.
Markaanu eegnay mawqifyada kala duwan ee ay kala taagan yihiin axsaabta qaranka iyo gudiga doorashooyinku oo qolo waliba u aragto mawqifkooda ka xalaasha ah.
Markaanu eegnay go’aankii golaha wakiilada oo aan keenin wax isu soo dhawaan ah.
Markaanu eegnay Golaha guurtida oo maantoo kale loo aayi jiray oo aan haatan ku baaqayn aragti wax isu soo dhawayn karta.
Markaanu eegnay ismaandhaafka ay ninba si latahay iyo kala fogaanta iyo dhaawaca oo marba marka ka dambaysa sii siyaadaya.
Markaanu tix geliney duruufaha inagu xeeran iyo xaalada mandaqada
Waxa noo muuqata oo aanu ka digaynaa in uu wadanku qarka u saaranyahay khatar iyo qalalaase siyaasadeed oo keeni karta:
Doorashada oo markale dib u dhacda
Xasilooni daro iyo amaanka oo faraha ka abaxa
Sidaa daraadeed waxaanu talooyinkan usoo jeedinaynaa madaxweynaha JSL, Axsaabta Mucaaradka ah, Golayaasha qaranka iyo dadweynaha reer Somaliland.
Madaxweynaha JSL:
Marka hore madaxweyne wadankan masuuliyada koowaad aday kaa saarantahay inaad ka badbaadiso wax alle wixii u keenaya dhibaato iyo inaad sugto amaanka, xasiloonida iyo kaladabaynta.
Madaxweyne waxaan kugu bogaadineyaa inaad albaabada u furto xisbiyada mucaaradka, waxaanuna ku boorineynaa inaadan ka caajisin kana daalin inaad wada hadal ku furdaamisaan caqabada hortaagan doorashada.
Hogaamiyayaasha Axsaabta Mucaaradka:
Mudanayaal xil aad u weyn ayaa idinka saaran dalka , dadkaba iyo dejinta xaaalada taagan.
waxa la’idinka rabaa inaad si xikmadi ku jirto u waajahdaan isla markaana qiimaysaan khatarta ka iman karta hadaan xal loo helin ismaan dhaafka taagan.
Waxa loo baahanyahay inaad u tanaasushaan oo albaabada u furtaan wax alle wixii keenaya is faham iyo isu soo dhawaan iyo in doorashadu si cadaalad ah u dhacdo.
Golayaasha qarankana waxaanu leenahay waxa la’idinka rabaa talooyin iyo go’aamo wax isu soo dhaweeya oo xal noqonkara.
Dadweynaha reer Somalilandna waxaanu usoo jeedinaynaa in ay siyaasiyiinta ku cadaadiyaan in ay khilaafkooda wada hadal ku xaliyaan oo aan dalka dhibaato iyo xasilooni darro loo horseedin.
Allaa mahad leh
Maxamed Cabdillahi- Chairman DNS, Tel. 4310315
Ahmed Ismail Ganne-Director DNS, Tel. 4420484
comment closed