Home » Maqaallo, Wararka » urur Diimeedka al-shabab oo sheegay inay ciidamo ka soo goosteen DFKM kuna soo biireen

urur Diimeedka al-shabab oo sheegay inay ciidamo ka soo goosteen DFKM kuna soo biireen

imagesMugdisho(iftinnews)02/08/2010 Ururka Al-shabaab Al-mujaahidiin ayaa maanta qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho waxa uu ku soo bandhigay ciidamo fara badan iyo hubkii ay wateen oo kagoostay dowladda Soomaaliya.

Munaasabad lagu soo bandhigayey ciidamada kagoostay dowladda iyo hubki ay wateen ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Al-shabaab ayaa kadhacday magaalada Muqdisho.

Shiikh Cali Maxamed Xuseen waaliga Al-shabaab ee gobolka Banaadir oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin ciidamada iyo hubka ka soo goostay dowaldda ee ururkooda isku soo dhiibay.

Wuxuu sheegay in ciidamada soo goostay ay garteen inay wado qalad ah ku socdeen, waxaana uu ugu baaqay ciidamada kale ee dowladda inay isku soo dhiibaan mujaahidiinta Al-shabaab.

Ciidamada kagoostay dowladda Soomaaliya ee isku dhiibay ururka Al-shabaab Al-mujaahidiin ayaa waxaa hogaaminayey sargaal sare oo ka tirsana ciidanka dowladda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horaysay oo ciidamo iyo sarakiil ay kagoostaan Dowladda Soomaaliya islamarkaana ay ku biiraan xoogagga ka soo horjeeda.

iftinews mugdisho

comment closed