Home » Wararka » SHALAY IYO MAANTA: Mahadhooyinka Weedhaha Siyaasadeed Ee Wasiir Talaabo

SHALAY IYO MAANTA: Mahadhooyinka Weedhaha Siyaasadeed Ee Wasiir Talaabo

imagesHargisa(iftin.net)29/11/09Qormadeedanan 15aad ee shalay iyo maanta oo todobaadle ah oo aanu ku daraasaynaynay weedhaha siyaasiyiinta Somaliland ay wakhtiyo kala duwan ka jeediyeen fagaarayaasha siyaasada iyo shir-saxaafadeedyada warbaahinta oo aanu ka soo ururinay kalmado siyaasadeed oo ay ku soo dareen khudbado ay ka jeediyeen madasha siyaasada, oo midkastaaba ay munaasabad gaara odhaahdoodu ay dabada ku haysay, kuwaasoo siyaasiyiinta muxaafidka iyo mucaaridka kasoo jeedaa-ba ay iska dheehan doonaan mahadhooyinka iyo weedhahooda siyaasadeed ee ku wajahan mawaaqiftooda siyaasiga ah ee ay ka is-taageen xaaladaha iyo waaqacyada dalku soo maray.

Waxaynu maanta qoramadeenan ku soo bandhigi doonaa wasiir ku xigeenka wasaarada Cadaalada Yuusuf Ciise Ducaale (Talaabo), oo isagu horena xilal uga soo qabtay badhsaabka gobolka Sanaag, iyo wasiir ku xigeenka wasaarada macdanta iyo biyaha kana mid ahaa ilaa xukuumadii marxuum Cigaal, laguna tilmaamo siyaasi odhaahdiisa siyaasadeed ay inta badan dhibsadaan axsaabta mucaaridka iyo aqoonyahana-ba, xukuumada madaxweyne Rayaale ee uu ka tirsan yahayna si adag u difaaca istaraatijiyadeeda siyaasadeed, waxaana ka mid ahaa odhaahyadiisii siyaasadeed ee Talaabo warbaahinta uu mariyey:

1. Mar uu ka hadlayay talaabadii ay xukuumadu xabsiga u taxaabtay siyaasiyiinta ururka qaran Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Eng Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid oo wax laga weydiiyay aragtidiisa ku wajahan, waxa uu yidhi “Ururkaasi qaran ee ay sheegteen waa sharci daro waxaanay u shaqeeyaan basaasiin caalamiya, waana niman xidhiidh la leh kooxo xag-jira, iyagoo kalena dawladuhu ma xidhaane waabay laayaan”

2.Mar uu ka hadlayay xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti wakhti uu ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada macdanta biyaha oo madaxweyne Rayaalena xilka kaga qaaday waxa uu yidhi “xidhiidhka Jabuuti inaga dhexeeyaa waa mid mugdi badani ku jiro oo aan cadayn cid wax ka ogina ma jirto, waxaanu u baahanahay in la cadeeyo waxa Jabuuti iyo Somaliland ka dhexeeya”

3.Mar uu ka hadlayay magaalada Adis ababa ee xarunta Itoobiya oo lacag dayna loogu qabsaday hudheel ayaa waxa uu yidhi “C/llaahi yare iyo Cawil baa Ciyaarta Jagta ila ciyaaray, iyagaana i mu’aamaradeeyay oo markii aan tilifoon kula hadlay ee aan xaaladayda uga waramay iimay iman ilamanay soo hadal”

4.Mr Talaabi oo ka hadlayey 97-kii markii lasoo afjaray isku dhicii gudaha Somaliland ee shirweynihii beelaha ee Hargeysa ku qabsoomay, waxa uu yidhi “Waxaanu ka nimid Calan Cad iyo Xiddig Cad waxaanu u nimid Adeer madow iyo Xidig madow iyo siyaasad mugdiya”

5. “Shuro-net waa la siyaasadeeyay hogaankiisana waxaa bedelay guddidii fulinta iyo xubnihii ka tirsanaa 6. “Dalku xukun degdeg ah ayuu ku jiraa oo cidii talaabo kicina isku dayda gacan bira ayaa lagu qabanayaa”

7. “Guddidayada nabadgelyadu sharci daro ma aha oo waxay xukumaan cida nabadgelyo daro iyo khalkhal ku kacda”

comment closed