Home » Wararka » Hal Qof Ayaa Ku Dhintay Qaar kalane wayku dhawacmeen Gurina Way Ku Shuf Beeleen Dab Caawa Qabsaday Xaafada Isku Raranta Ee State House-

Hal Qof Ayaa Ku Dhintay Qaar kalane wayku dhawacmeen Gurina Way Ku Shuf Beeleen Dab Caawa Qabsaday Xaafada Isku Raranta Ee State House-

12571Hargeysa(iftin news29/11/09-Hadiya  Maxamed oo 3 jir ah ayaa ku dhimatay dab caawa qabsaday xaafadaha isku raranta ah ee State House oo ay degan yihiin dadka dan yarta ahi.

Dabkan sababay geerida gabadhan yar ayaa la sheegay inuu ka dhashay shamaca la shito oo qabsaday guri ka mid ah xaafadaas, kaas oo markii dambe ku fiday guryo kale oo ka ag dhawaa guriga gubtay, waxaana halkaa gabi ahaan ku shuf beelay in ka badan 12 guri iyo wixii hoos yaalay.

Waxaana guryahaas u gurmaday dab damis uu leeyahay madaarka magaalada Hargeysa, taas oo keentay cidhiidhiga xaafadaha isku raranta ah awgeed ay gaadhi waydo in ay ku guulaysato daminta dabka ka kacay guryahaas, in kasta oo ay markii dambe u suurtogashay inay bakhtiiso dabkaas. Sarkaal ka tirsan ciidamada booliska oo saxaafada uga waramayay khasaaraha ka dhashay dabkaas ayaa sheegay in gabadh yari ay ku dhimatay taas oo dabkii qabsaday gurigii ay ku jirtay ay ku shuf beeshay, waxaanu yidhi 

“Ilmo yar oo gabadh ah ayaa dabkan ayaa ku dhintay, waxaana dabku khasaare laxaadle u geystay illaa 12  Guri oo ka mid ah xaafada istaad House-ka, Ciidanka Boolisku si balaadhan ayuu arrintaasi uga hawl galay, waxaana yimid Hoggaankii Hawlaha, Aniga iyo ciidanka Booliska. Waxa kale oo bakhtiinta dabka u soo gurmaday Gaadiidka dab damiska Madaarka Hargeysa iyo dadweyne tiro badan,” ayuu yidhi sarkaalkaasi.

Goobta uu gurigu ku gubtay oo ahayd goob aad u cidhiidhi ah ayaa waxa ku soo xoomay boqolaal dad weynaha xaafadaas ah, kuwaas oo gacan ka geysanayay bakhtiinta guryahaas iyo kuwo u soo tuugo tagay.

Waxa kale oo goobta uu shilku ka dhacay lagu arkayay ciidamada booliska oo gacan wayn ka geysanayay sugida amaanka iyo bakhtiinta hurinta guryaha ee xalay ku shuf beeshay xaafada State House-ka

Hargisa iftin news

comment closed