Hargeysa(Iftinnews)-Siddeed Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, oo lix ka mid ah la sheegay in shirgudoonku soo saaray tallaabo lagu anshax marinayo oo muddo sadex cisho ah lagaga mamnuucay fadhiyada Golahaasi, ka dib markii lagu eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen buuq iyo rabshado hadheeyay fadhi Aqalkaasi yeeshay 24-kii bishan, ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Hargeysa waxay gaashaanka ku dhufteen tallaabadaasi anshax marinta ah oo ay ku tilmaameen mid sharci ah.
Kooxdan Mudaneyaasha ah ayaa u badan xisbiga UDUB waxaana ku jira Xildhibaan Maxamed Baaruud, oo ka tirsan Xildhibaanadii ka soo baxay xisbiga UCID.
Mudane C/raxmaan Maxamed Jaamac (C/raxmaan Xoog) oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyey waxyaabihii dhaliyeye buuqii ka dhacay Golaha Wakiilada 24 kii bishan “Waxaan jeclahay inaan iftiimiyo buuqii ka dhacay Golaha Wakiilada maxaa keenay Soomaalidu waxay yidhaahdaan dheriga maxaa karka ka keena kulaylka mas’uulku haddii uu dhawri waayo mas’uuliyadii loo igmaday kuwii aan mas’uuliyada haynin maxaad mooday, shir-gudoonkayagu xeer hoosaadkii aanu ku dhaqmaynay iyo dastuurkii na kala qabanayay wuu ku tuntay xag jirnimada qaawacan ee shir-gudoonka ayaa laba u kala jabisay Golihii, in tayadan halkan fadhidaa in ka badan ama kala badh Golaha afkoodii ayaanu ku hadlaynaa. Guddoomiyuhu maalintii dhawayd markii la isku buuqay wuxuu saaray 10 xubnood oo Guddi ah oo shan xilidhibaan oo ka kala socday labada dhinac, Gudoomiyuhu markii uu shirka ka soo baxay wuxuu u waramay idaacada Maraykanka VOA, wuxuu yidhi koox xildhibaano ah oo madaxtooyada laga soo diray oo koox wasiiro ah kula shiray natiijadii ka soo baxday ayaa ka dhacay Golaha.”
Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Jaamac wuxuu shirgudoonka Golaha Wakiilada ku eedeeyey inay si aan waafaqsanayn xeer hoosaadka Golaha, waxaanu yidhi “Si aan waafaqsanayn xeer hoosaadkayaga waxa shirgudoonku u bedeley xildhibaanadii xisbiga UDUB kaga jiray Guddida joogtada oo dhan, kooxdii cusubayd ee ay u magacaabeen Guddida joogtadu oo aan sharciyeysnayn ayaa haddana lagu yidhi fadhiista oo mudaneyaal anshax mariya.
Ninka wax marinaayaa isagu ma anshaxsan yahay, mudanihii isagu miiska ku rogeyey xildhibaanada shirgudoonka hortaagnaa ayaa haddana anigii igu leh waan ku anshax marinayaa, waxaan ereygaasi ku xasuustay riwaayad la dhigay xilligii dawladii kali-taliska ahayd oo ahayd ninkii isoo xidhay ayaa i xukumay! Adeer afduub laguma socdo.”
Mudane C/raxmaan wuxuu gaashaanka ku dhuftay talaabo anshax marin ah oo shirgudoonku lix mudane oo lagu eedeeyey inay xudun u ahaayeen buuqii iyo rabshadihii Golaha hadheeyey fadhigii 24-kii bishan uu Golaha kaga mamnuucayay muddo saddex cisho ah, waxaanu yidhi “Shirgudoonkayagu si aan sharciga waafaqsanayn naguma anshax marin karo, waxaan u sheegaynaa tii mid ka darrani inay ka dhici doonto, Guddida Nabadgelyada Gobolka, Wasaarada Arrimaha Gudaha, Ciidanka Qaranka iyo shacbiga Somaliland ee nabada jecel waxaanu u sheegaynaa in nala soo kala gaadho maalinta Sabtida ah nin i leh kuu joojin maayo oo Golahana waxaan kaa saaray saddex cisho walaahay inaanu iga saari karin Golaha waan imanayaa.”
“Lixda mudane ee la leeyahay waa la anshax mariyey ujeedo qarsoon ayaa laga leeyahay waxa la doonayaa lixdaasi markay dibada u baxaan in la soo dhigo mooshinadii fadhiidka ahaa, xildhibaanadii aanu siku dilay Golaha dhexdiisuna anaga nama anshax marin karaan,” ayuu yidhi Mudane C/raxmaan.
Mudane Xuseen Ismaaciil oo ka hadlay shirkaasi ayaa yidhi “Waxa dhacda marka xumada siyaasada doorashooyinku soo dhawaadaan had iyo goor waxa Gole Golaha wakiilada, Guurtida iyo Axsaabta waxa soo gasha xumad, xumadaasi had iyo jeer waxay ku ekaan jirtay axsaabta oo aanay soo dhaafi jirin, imika waxay noqotay mid Goleyaashii Qaranka si xoog leh u soo gashay iyagoo salaan ka soo dhigtay Shirgudoonka Wakiilada oo aad moodo inay si badheedh ah oo si toos ah u noqday niman xisbiyo mucaarid ka tirsan oo ka fulinaya golaha dhexdiisa ahdaaftii xisbyada mucaaridka ah. Waxaanu kaga nimaadnaa xisbinimada dibada Golaha.”
“Shirgudoonkayagu wuxuu noqday shirgudoon mucaarid ah, ilaa Golahayagiiba lagu tilmaamayba inuu xisbi mucaarid yahay, arrintii waxay sii xumaadeen maalimihii dhawayd ee axsaabta mucaaridka ahi ay sheegeen inay inaanay raali ka ahayn in la eryo Interpeace iyo wakiilkeedii midna oo ay doonayeen in Server-kii fashilmay lagu socdo, arrintaasi oo ah siyaasad xisbi ayaa soo gashay Golihii, markii uu Gudoomiyuhuna si badheedh ah u sheegay in laga noqdo go’aankii komishanka doorashooyinka, arrintaasi aad ayay nooga yaabisay fikirkiisiina Golihii ayuu taageero uga doonay oo uu yidhi mooshin aynu keena,” ayuu yidhi mudane Xuseen Ismaaciil.
Dhinaca kale waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qoraal shirkaasi jaraa’id laga akhriyey oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Xildhibaanaa ah oo la baxay mudaneyaasha badbaadinta Golaha, mudane Xuseen Ismaaciil wuxuu u qornaa sidan:
Shirgudoonka Golaha Wakiiladu wuxuu jebiyey Dastuurka Qaranka iyo Xeer hoosaadka golaha Wakiilada oo ay ahayd waajib ku dhaqankoodu iyo in ay Golaha ku hogaamiyaan sida ku cad dastuurka qodobkiisa 38aad faqradiisa 3aad oo odhanaysa “Baarlamaanku xilgudashadiisa wuxuu ku salaynayaa dastuurka iyo xeer hoosaadyadiisa” iyo sida ku cad xeer hoosaadka Golaha Wakiilada qodobkiisa 14aad faqradiisa 2aad oo odhanaysa “Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu wuxuu mas’uul ka yahay fulinta iyo ku dhaqanka xeer hoosaadka, ilaalinta iyo habsami u socodka hawlaha Golaha oo dhan” iyo qodobka 17aad ee xeer hoosaadka ee awooda shirgudoonka.
Hadaba waxa aanu halkan ku cadaynaynaa in shirgudoonka Golaha Wakiiladu si wada jir ah iyo keli keli ahba ugu xadgudbeen dastuurka qaranka, xeer hoosaadka Golaha Wakiilada, Xeer doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaanka ee Xeer NO: 20/2001 iyo xeerka Diiwaangelinta JSL Xeer NO: 37/2007, waana tan hoos ku qoran:
1) Shirguddoonku waxa ay jebiyeen Qodobka 14aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiilada faqradiisa 11aad oo odhanaysa “Guddoomiyuhu wuxu ahanayaa mid u dhex ah mudanayaasha marka laga reebo xaalada codkiisa loo baahod “tas oo ay si badheedha kaga baaqdeen dhexdhexaadnimadii iyo cadaaladii hogaaminta hawlaha Golaha oo ay had iyo jeer qaawan ula saftaan garab ka mid ah labada garab ee Golaha.
2) Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu wuxuu faragelin ku sameeyey hawshii dastuurka iyo xeerarka Qaranka u igmadeen Waxda fulinta JSL, shi badheedh ahna amar ugu siiyey Madaxweynaha iyo Komishanka Qaranka inay ka noqdaan go’aamadii ay ka gaadheen Hay’adda Interpeace iyo Diiwaangelintii fashilantay, taas oo ka hor imanaysa kala madaxbanaanida saddexda waaxood ee Qaranka JSL, taas oo xadgudub ku ah qodobka 37aad ee dastuurka faqradiisa 2aad iyo xeer 20/2007 xeerka doorashooyinka Madaxtooyada qodobkiisa 11aad faqradiisa 6aad oo odhanaysa “Komishanku wuxuu xilkiisa u gudanayaa si madaxbanaan, lagumana samayn karo wax faragelina haba yaraatee.”
3) Shirgudoonku waxay soo abaabuleen xildhibaano Golaha soo hor dhigay Motion aan waafaqsanayn dastuurka iyo xeerarka dalka, kaas oo taageeray dhawaaq ka soo yeedhay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Motion-kaasoo la magac baxay Samora Motion, kaasoo ka hor imanaya Qodobka 37aad ee xeer hoosaadka Golaha Wakiilada faqradiisa 2,4 iyo 6aad kuwaasoo cadaynaya inaan shirguddoonku Golaha soo hordhigi karin soo jeedin ka hor imanaysa dastuurka, shuruucda dalka iyo xeer hoosaadka Golaha.
4) Shirgudoonku waxay khilaafeen hab raacii xeer hoosaadku u jideeyey soo jeedimaha (motions) iyo mashruuc sharciyada (Bill of laws), iyada oo ay Samora Motion saacad qudha iskaga dhigeen soo jeedintii, jawaabtii la-taliyaha sharciga iyo dood gelintii motion-ka, taas oo si toos ah uga hor imanaysa Qodobada xeer hoosaadka Golaha ee 34,37 iyo 40aad.
5) Shirguddoonka Goluhu waxay caadaysteen in ay baajiyaan fadhi Goluhu lahaa iyoaga oo aan helin go’aan Gole, taasina waxay ka hor imanaysaa Qodobka 45aad ee dastuurka qaranka faqradiisa 4aad io qodobka 13aad faqradiisa 5aad ee xeer hoosaadka golaha oo labaduba cadaynaya dib u dhigida fadhi Goluhu lahaa waxay ku ansaxaysaa go’aan Gole oo ah aqlabiyada fudud, todoba maalmoodna aanay ka badan dib-u-dhigidaasi.
6) Shirgudoonku waxa uu ka dhigtay Golihii Wakiilada Gole olole siyaasadeed, waxaana uu ka baaqday inuu guto hawshii loo igmaday ee sharci dejinta iyoaga oo cadaystay inay Golaha hor keenaan soo jeedimo (motions) fadhiid ah oo dab ku qabanaya xaaladaha siyaasadeed ee jira sida:
A) Mooshinkii lagu guuldaraystay ee korhdinta mudo laba sanaadood ah ee komishankii hore ee Qaranka.
B) Mooshinkii xeerka dawlad ku meel gaadh ah.
C) Mooshinkii dacwada muwaadin shaqo loo diiday.
D) Mooshinkii la magac baxay Samora motion.
Dhinaca kalena waxa shirkaasi jaraa’id ka hadlay Md. Axmed Aadan Wayso-cadde, Md. Aadan Muxumed Hoori (Mataan), Md. Ibraahim Carraalle Cabdi, Md. Maxamed Baaruud Qamac, Md. C/qaadir Jaamac Xaamud iyo Prof. Maxamed Barkhad Miigane, waxaanay dhammaantood ay si kulul u cambaareeyeen Shirgudoonka Golaha wakiilada Somaliland.
Iftinnews Desk
Source: Ramaasnews
Aad ayuu muhiim u yahay maqaalkani, waana aqoon korosi iyo iftiimin dadka dibadda dalka ka joogga ee daneeya arrimaha dalka. Waxa ku talin lahaa inaad ku soo daabacdaan website-yada kale ee dadku aad akhristo iyagana.
Allaa Mahadleh
waxaan leeyahay dhamaan dadka daneeya somaliland
waxaynu aragnaa waxa koonfur ka dhacaya ee maskax la,aanta ku dhacaya 20ka sanadood
waxan dhamaan somaliland dadkeeda caqliga leh inaanay buun buunin fidnada xukuumada iyo caqli gaabka ay adeegsansaa dalka kawado iyo weliba inaynaan fahmin nafaqa madaw dalku sii gelaayo hadhawna meel laga soo qabto la helimaayo aynu raacno danteena oo ilaashano dalkeena waxaan la hadlayaa qofkii caqli leh kii lalena yeelkii wabilaahi towfiiq