burco(iftin.net)SAAMAYNTA QAADKA EE XANUUNADDA KU DHACA DHIMIRKA
Baadhitaan la sameeyay ayaa waxa lagu ogaaday saamaynta qaadku ku leeyahay xanuunadda dhimirka ku dhaca
Akhristow bal iswaydii dumarka iyo raga kee ayaa u bahan xanuunka waalidda ?
Waxad kaloo is waydiisaa caruurta iyo dumarka kee ayaa waaliddu ku bahan tahay ?
Waxad kaloo iswaydiisaa maxay waallidu ugu yartahay reer galbeedka ?
Markaad ka jawaabto su,aalaha xaga sare ku xusan
Waxad kaloo u fiirsataa ruuxa waalan waxaad ku arki doontaa qashinka qaadka (( garaabo))
Intaas oo odhan ka dib wali iswaydiisay side ayuu saamayn ugu yeeshay ?
Dad badan ayaa cuna qaadka inkastoo ay ismicmaalka ku kala duwan yihiin
Tusaale ahaan hadaad eegto dad badan oo kunool bariga Africa waxaad arkaysaa ruux soo toosay soona qaatay qaad kadibna isagoo cunaaya seexday ilaa afarta habeennimo hurdo u iman mayso marka waagu beryo ayuu seexanayaa sagaalka ayuu dib qaad u doonanayaa abaaro dhowr cisho ka dib ayuu bilaabayaa qaaqaayiraad intaa ka dibna wuxuu u xuubsiibanayaa ruux waalan waxanna suurogal ah haddii ruuxaa lagu ilaaliyo guriga inuu kusoo noqdo caadi taasina waxay tusinaysaa geedkani yahay ka ugu badan ee ka qayb qaata waallida dadka
Dadka qaar ayaa iyagu aan u istcimaalin sidaa waxayna u isticmaalaan si ka duwan
Way cunaan laakiin waxay u cunaan siddan way iska daayaan haddii ay gaadho salaadda makhrib taasina waa habka fudud kan kale oo dadkani kuma badna waalidu taasina waa tusaale kale oo kuu cadaynaaya inuu geedku yahay mid ka mid ah waalidda lafteeda
Haddaba qaadka ayaa ah geed maandooriye ah waxanna uu saamayn way kulee yahay
Cuduradda ku dhaca dhimirka
Hadal iyo dhamaan qofkii kasta ee waalan 99% wuxuu sidaa garaabo
Su,aasha meesha taala waxa weeye dadku mayska daynayaan geedkan ?
Su,aashu waa MAYA !!!!!
Haddaba ma jiraan hab dhaqan ka muhiimsan joojinta qaadka oo loo xakamaynkaro geedkan ?
Waxa lagu xakamayn karaa waa iyada oo cashuurtiisa la kordhiyo 85%
Halka lagaga kordhinaayo cuntooyinka daruuriga ah taasina waa xalka koowaad ee lagu xakamaynkaro
Tusaale ahaa hadda mijinta qaadku waa 7000shilling Somaliland ah haddii laga dhigo 37000 oo shilling waxaa yaraan lahaa dadka cuna
Haddii ay yaraadaan dadka cuna waxa kaloo yaraan lahaa dadka waalan
Fekradaada ka dhiibo
ALLA MAHAD ISKA LEH
www.iftin.net
burco office
salosahal@gmaill.com
walaal aadbaad ugu mahadasan tahay iftin Burco, hadaan fikradayda ka dhiibto qaadku waa dhibaato lagu soo dhextuuray somaliada iyo guud ahaan geeska africa.
markaa waxaa loo baahan yahay in laga taxadaro oo xitaa hadii layska dayn waayo si basar leh oo caafimaad ku jiro loocuno.
waxaad arkaysaa qaar aan qadayn oo cunaya, natiijadu waxay noqonaysaa qaabo,tiibay iyo waxii lahal maahal
waxaa muhiim ah in sidii aynu kuligeen ula wada dagaalami lahayn aynu falowgeed qabano