Home » Breaking, Wararka » Suldaan Daakir oo Sheegay In Axmed Siilaanyo ku Balan Furay

Suldaan Daakir oo Sheegay In Axmed Siilaanyo ku Balan Furay

Burco(iftinnews)30/07/2010 Suldaanka guud mee beelaha gabooye suldan daakir xasan khaliif ayaa in madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamud. uu ku balan furay heshiis ay wadda galeen xilligii ololaha   ee xisbiyadda qaranka kaasi oo uu ahaa hogaamiye mucaarad.

Suldaanka guud ee beelaha gabooye ayaaa sheegay in uu ka xun yahayinay beeshiisi ka qado xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo dhisay Axmed Maxamed Maxamud siilaanyo .

Suldaanka guud ee beelaha gabooye wuxuu sidaasi ku sheegay shir,jaraa,id oo uu xlayto ku qabtay Hotel Barwaqo ee magaaladda burco waxanna uu sheegay in aanay xukuumadda cusub ee axmed siilaanyo ka filaynin  wasiir la,aan.

Suldaanka guud  beelaha gabooye oo ka mid ahaa salaadiintii sidda wayn ugu ololeeyay xisbiga kulmiye oo markaasi mucaarad ahaa ayaa waxa uu sheegay inuu ka xun yahay in uu madaxweyne silaanyo kagaga baxo balantaasi.

Si kastaba ahaa maaha beeshii koobaad  ee uu Axmed siilaanyo ku balan furay waxaasi jirta in dhamaanba masuuliyiinta xisbiga kulmiye ee quuraynayay xukumadda cusubi ay cadho la madax maranyihiin.

Saleban sahal jamac

salosahal@hotmail.com

burco/Somaliland

iftinnews

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.