
Kenya (iftin news)29/07/2010Dowladda Kenya ayaa ugu baaqday xukuumadda Britain in ay taageerto dagaal ka dhan ah maleeshiyaadka Islaamiyiinta ee Somalia iyo waliba dib u soo celinta nabadda dalkaas.
Wasiirka amniga gudaha Kenya George Saitoti ayaa weydiistay wasiirka Britain ee Africa Henry Bellingham in uu Kenya ka caawiyo sidii loo joojin lahaa buu yiri dhaqdhaqaaqyada kooxaha argagixisada ee xiriirka la’leh ururka Al-Qaacidda sida uu warka u dhigay.
”Ma lihin wax dalab ah, laakiin taageeradiina ayaan raadineynaa, sababtoo ah taasi waa dhib weyn”, ayuu yiri Prof: Saitoti oo ka hadlayey xafiiskiisa Harambee Khamiista maanta ah.
”Dhibaatada Somalia keliya ma saameyn gobolka ee sidoo kale waxay noqotay mid caalami ah”, ayuu wasiirka amniga gudaha Kenya ku nuux-nuuxsaday.
Baaqan faragelin caalami ah ayaa ku soo beegmay maalin uun kadib markii Kenya ay adkeysay ammaanka xuduuda ay la wadaagto Somalia kadib dagaal ku dhexmaray deegaanka Dhoobley Al-Shabaab iyo ciidamada Raaskaambooni.
Wasiirka reer Britain wuxuu ku faraxsan tahay go’aanka ururka Midowga Africa uu ku gaaray in ciidan dheeraad ah loo diro Somalia si ay u kaalmeeyaan dowladda federaalka oo khatar ugu jirta in la afgambiyo.
”Wixii ka soo baxay shirkii AU-da waxay aheyd tallaabo weyn, laakiin wali waxaa jira wax in la qaado ay tahay”, ayuu yiri Mr Bellingham, wasiirka dowladda Britain u qaabilsan Africa, kaasoo laf ahaantiisa ka qeybgalay shir madaxeedka wadamada Africa ee Kampala ku idlaaday.
Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay khatar ku yihiin dalal ay Britain ku jirto.
Kenya oo deris la’ah Somalia waxay mudadaba aad uga walaacsaneyd halis nabadgelyo oo dalkeeda kaga imaado xoogaga aadka u hubeysan ee badi Somalia ka taliya.
mahad mohamed sheikh
iftin news office nairobi
qawaf2005@hotmail.com