Saddex xildhibaan ee maantii shalay xilka xildhibaanimo laga xayuubiyay ayaa maanta si Toosa ugu biiray kooxda la baxday ssc saddexdan xildhibaan ee laga xayuubiyay maamuushkii xildhibaanimo ee maamul goboleedka putland ayaa waxa lagu soo dhaweeyay magaaladda buuhoodle ee xarunta gobolka cayn.
Xildhibaanadda ayaa shalay galab ka soo caraabay magaaladda garowe oo xilka lagag qaaday waxaanay habeenkii xalayto usoo howdeen duleedka tuuladda Tukaraq halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamaddo ka amarqaada kooxda SSC .
Waxaa soo dhawaynta xildhibaanadda maamulka laga xayuubiyay kusoo dhaweeyay magaaladda buuhodle masuulka ugu sareeya kooxdda ssc iyo waliba issamo ka soo jeedda beesha ay xildhibaanadu kasoojeedaan.
Arrintani ayaa ka marqaati kacaysa inay xildhibaanaddu ku lug lahaayeen wixii lagu eedeeyay taasi oo ahayd inay xidhiidh la leeyihiin kooxda SSC ee amaan daradda ka wadda goboladda SSC .
Iftinnews/Somaliland
Office
salosahal@hotmail.com