Burao(iftinNews) 26/07/2010 Marka hore waxaa Mahad aan lasoo koobi Karin iska leh ilaahay oo ah kii na abuuray isla markaana inaga dhigay dad Karaamo iyo Cisi leh Marlabaad waxaa mahad iska leh Dhamaan Shacbi weynaha Somaliland Meelkasta oo ay Aduunka ka joogaan waxaanan Kusalaamayaa Salaanta Islaamka Asalaamu Calaykum Waraxma tulaahi wa barakaatu.
Intaa ka dib waxaan halka kusoo koobi doonaa Doorashadii Dalkan Jamhuuriyada Somaliland ka dhacday Bishan aanu ku jirno ee Jun -26-keedii taasoo Udhacday Si Xor Iyo Xalaal ah Ilaahayna isagaa Mahad iska leh ee uu ku Manaystay Nabad iyo xasilooni Sidoo kale waxaa waxaa Mahad iska leh Komishankii isutaagay inay Doorasho Dalka ka Qabtaan kuwaasoo usamray waxkasta oo kaga yimaada Doorashada dhib iyo wanaagba Intaba ilahaay waa uu la qabtay waana ay ku guulaysteen inay Doorasho xor iyo xalaal ah Ay Dalka ka qabtaan run ahaantii Komishanka Qaranku waxaa ay Mudan yihiin Sharaf Iyo Qaderin sida habsami la,ida ah ee ay Doorashada u qabteen Hadii aynu nahay Shacabka reer Somaliland waxaa ay Komishanka Qaranku inagu leeyihiin Abaal Gud weyn Kaasoo aynaan garanayn wax ay ku gudno Abaalka intaa lee gee ay Inoo galeen.
Waxaa iyaguna Doorasha qeyb laxaad leh ka Qaatay Ciidanka Qaran oo si Toos ah u hirgaliyay Doorasha iyagoo dhamaan Wadan Amnigiisa sugay Goobkastana ay Taagnaayeen waxaana ay Ciidanka Qaranku la Socdeen wax kasta oo dhaq dhaqaaqa Waxaa ay xidheen isu socodka gaadiidka ilaa ay cudur daar uga dhigeen wax sita Waraaqda Komishanka Qaran mooyee inaan wax kale socon taana waxaa ay usamaynayeen si ay Amaanka u ilaaliyaan oo Dalka iyo dadkaba uga Badbaadiyaan Dhibaato ku timaada waxaana ay sameeyeen Taxader badan .
Shacbi weynaha reer Somaliland ayaa iyagu qeyb libaax ka qaatay iyagoo ahaa kuwii Codaynaayay Amaankana sugaayay waxkasta oo dhaq dhaqaaqana la socday Komishanka Qaranka iyo Ciidanka Qaranka labadaba la shaqeynaayay si habsami la,i ah
Ciidanka Qaran ka Somaliland ayaa waxaa ay markasta heegan ugu jiraan sidii ay Dalkooda u daafici lahaayeen kana hortagaan waxkasta oo dalka iyo dadkaba Dhibaato ku keeni kara waxaa ay hada ku suganyihiin Jiida Hore ee Bariga Sool halkaa oo ay kaga Hortagayaan Ciidan Beeleedyo la baxay sheganayaan. SSC Ciidanka Qaaran Markasta Waa ay Guulaysanayaan waxaana Markasta Garab taagan Alle .
Waa Qalinkii:
Mohamed Elmi Hassan
Iftin News
Burao/Somaliland
Email: shiine1433@hotmail.com