Burco(iftinnews )25/07/2010Marka hore Waxaan salaamayaa Dhamaan shacbigayga qaaliga ah ee reer Somaliland oo aan odhan karo waxaynu Nahay dad tusaale ay ku daydaan u noqonay Qaaradan madow ee Africa Bacda Salaan Waxan Maalmihii u dambeeyey aan ku arkyey Hadhwanaag dad camal ka dhigtay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo uu kow ka yahay nin la yidhaahdo diridhaba oo sheegta inuu yahay Suxufi laakiin aan lagu tilmaami Karin magaca uu sheegto ee macnaha weyn leh hadaba dabayl xagaa diridhaba oo looga bartay inuu kolba meel isku qaado caadaystayna inuu caayo ama aflagaadeeyo dadka aqoonyahan ka ah ee wadankan u dhashay isagoo ka been abuuraya shaqsiyada masuuliyiinta qaranka ninkan oo aan afkiisu ka xishoon Sheekh, Shariif. Wadaad ,Waranle culimo iyo caamo Toona ayaa maalin dhaweyd waxa kasoo baxay hadaaq iyo hadalo been ah oo aan ka duwanayn kuwii looga bartay isagoo Mujaahidka leh uma qalmo inuu kamid noqdo Golaha Wasiirada ee Xukumada Kulmiye soo dhisayo ereyada uu adeegsanayo waxa kamid ah Muuse waa nin weyn waayabe malaha diridhaba wuxu u haystaa inuu muuse ka weyn yahay madaxweynaha la doortay Mudane Axmed Siilaanyo waa ta labaade miyaad kala garan weyday inaad kala saarto qabyaalada aad qiilka u samaynayso iyo suxufi nimada aad ka been sheegayso iyadoo dad badan oo iga aqoon iyo waayo aragnimaba badani ay kuu jawaabeen hadana waxan gartay inaan dib u milicsado wacdaraha beenta dhiridhaba iyo wakhtiyadii la soo dhaafay
1: August 2006 Diridhaba waxad soo gelisay shabakadaha wararka war sheegaya in uu kula hadlay Gudoomiye xigeenka Golaha wakiilada , mudane Cabdilcasiis Maxamed Samaale, oo uu kuu caddeeyey in loo diidey fiisihii dal ku galka Marayka. Warkaas oo noqday been abuur aan meela kuu dhaafin , Guddoomiye Xigeenka Golaha wakiiladuna wuxuu cadeeyey inaanuu Diridhaba marnaba la hadal warkaasna siin. Waxa kale oo iyaguna warkaas kaa soo ashtakooday ururka SOPRI oo iyagu xaqiiqada hayay kuna tilmaamay hadal waxba kama jiraan ah oo cadifadaysan markii cabashadaasi soo gaadhay website ka Somaliland.org oo markaa ka hawl galayey ayaa ka raali dhamaan shacabka reer Somaliland warkaa beenta uu qoray wariyahoodu diridhaba
2) SEPTEMBER 2006 30-keedii Diridhaba Waxad soo gelisay shabakada wararka war aad cinwaan uga dhigay: Sh.Maxamed Ismaaciil Oo Ahaa Ninkii La Sheegay In Jidh Dilka Lagu Sameeyey Cajalad Video Ah Oo Beeniyey Jiritaanka Cajaladaasi Warkaasi wuxuu ahaa war aan meel loo raaco iyo raad toona lahayn oo been abuur ah. Kadib markii dabagal lagu sameeyey warkaas iyo xaqiiqadiisa ayaa Diridhaba la waydiiyey meesha uu warkaas ka keenay, wuxuuna qirtay inuu isagu sameeyay sababta uu u sameeyayna ay noqotay “dadkaan ku dejinayay”.
3) OCTOBER 2006 Diridhaba hadana waxa uu bogga internetka soo galiyey War sheegaya in Garyaqaankii U Doodaayey Kiiska Sh. Maxamed Ismaaciil Oo Diiday Guddi Culumo Awdiin ah oo doonayey inay waxka waydiiyaan cajaladaas Warkaas oo been abuur noqday waxaana aad uga cadhooday garyaqaankii Sheekha oo sheegay inuu Diridhaba marna lasoo xidhiidhin, markii Diridhaba la weydiyey arintaas uu qirtay.inuu warkaas isagu uu sameeyey taasoo sababtay in dhiribadha laga caydhiyo shabakada caalamiga ah ee www.Somaliland.org oo u dulqaadan kari weyday beenta aan salka iyo raadka toona lahayn ee diridhaba
4) FEBERUARY 2009 Diridhaba waxa uu bogga internetka ku baahiyey war Sheegaya in Alle ha u naxariistee Mujaahid Marxuum Cali Maxamuud Guulleed (Cali Maarshaal) uu yidhi hadaanu ku guuleysano Doorashada Madaxtooyada 1) qodobka ugu muhiimsan ee dawladdu ay fulin doonto marka ugu horaysa ee ay xilka qabato waa in ay burburiso dhammaanba maxkamadaha dadka iska xukuma ee aan sharciga ahayn, waxaana Madaxweynahu uu qallinka ku saxeexi doona in dhammaanba dadka siyaasadda u xidhan, waa qof kasta oo siyaasad loo xidhaye oodda laga sii daynayo oo xorriyadiisii loo soo celin doono
2) waxaa kale oo qorshahayaga ka mid ah in dhammaanba heshiisyadii ay xukuumadda jirta gashay dib loogu noqdo oo la eegi doono, wax kasta oo aan baarlamaanka soo marina aan la ansixin doonin, dhammaan heshiisyadii xukuumadd jirta hore u gashay ha la gasho haayado ama dawlado sida Ethiopia ama Jibouti dib ayaa loo eegaya, wixii loo arko inaanay sharciga marina waa la tirtiraya oo meesha laga saaraya arintaa oo alle ha u naxariistee marxuumku ku tilmaamay wax aan jirin aakhirkiina noqotaya beentii diridhaba
Guntii iyo gunaanadkii waxan kula talinayaa walaalkay Maxamed waxad tahay nin yar oo dhalinyaro ah oo aad mooda inuu aqoon leeyahay hadana aan ka waan toobin maqaal uu cid ku aflagaadaynayo kana qarsoon yihiin waxyaabo badan oo wadanka ka dhacaya lana qabsan kari la siyaasada wadanka waxan kuu gartay inaad tahay shaqsiga kaalinta kowaad ka galay beenta iyo borobagaandada oo aad ku mutaysatay arimahaa aan kor ku xusay
Muuse waa halyey Qaran Waa wiil hooyadii
Hanad ay xanbaartoo Halganka iyo dadnimadana
Rabbi hibo u siiyo Hanbalyiyo ammaan mudan
Waa loo hanwaynyoo Howlaha dadkeeniyo
Nabadayta hagayoo Hilinkii habboonaa
Noo hoggaaminaayoo Hiil iyo ammaan mudan
Waa hoggaan la sugayoo Ummaddiisa hooggiyo
Hiirtalayda naartiyo Haadaanta lagu riday
Qalbigiisa holac iyo Murugo ay ku hurisoo
Bal inuu hanbada iyo Wixii hadhay bad-baadshaa
Naftiisii u huray oo Nabadayta hagayoo
Hilinkii habboonaa Noo hoggaaminaayee
Waa in aynu hiil iyo Hoo la garab istaagnaa
Abdilahi Abdi Mahdi ( Abdilahi Dajiye)
Hargeysa/Somaliland