Home » Suugaan » MASUULIYIINTA ISBAARADA U DHIGTAY XAFIISYADAY FADHIYEEN GAWAADHIDIINA FADHATAYSTAY! By: Siciid Cabdi Dheen

MASUULIYIINTA ISBAARADA U DHIGTAY XAFIISYADAY FADHIYEEN GAWAADHIDIINA FADHATAYSTAY! By: Siciid Cabdi Dheen

Waa wax lala yaabo lagana  xishoodo inuu aadmigu ku kacoFadhataysiga hantida maguuraanka ah.
Maaha mid  indhaha laga qarsan karo FALALKA maanta ka socda s/landDadka ku andcoonaya ama dood ka dhiganaya  dawladii hore ayaanagu amartay in shaqada la idinka eryi doono hadaydaan  xafiisyadiina
sii dhicin ,waxaan u arkaa inay dadkaasi yihiin DUCAFO BILAA CAQLIYA
Waabu sii dhacayaa oo kaa tagayaa maamulkii hore ee muxuu ku eryi
Taasi dood idiin noqon mayso .
Waxaadse ogaataa inaad tahay nin gurigiisii fadhataysanayaa[walciyaadu bilaah]
 
Dadku miyaanu ka warqabin in waxa isbadalayaa uu yahay  madaxwaynaha
iyo wasiiradiisa oo kaliya.
Dadku miyaanu ogayn in qofkastaaba uu xafiiska uu joogo iyo maamulka
uu hayo iyo shaqadiisa ay tahay mid uu sii wadanaayo.
Dadku miyaanu ka warqabin in maamulka cusubi  talada la wareegayo ayagoo
xafiisyadoodi fadhiya shaqadoodiina sii wata.
 
ADEER ma waxaad moodaysaan in hadii udub meesha ka baxday  in shaqaalaha
dalkoo dhami  shaqada ka wada tagaayo kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
DHibka ina haystaa  waxa weeye  waxaynaan kala garanayn waxii saxda ahaa iyo
wixii aan saxda ahayn .
Marka dadku waxay u baahan yihiin in la wacyi galiyo waxna loo sheego
 
walaahi waa wax lala yaabo oo aad looga khajilo in nin wayn oo masuula
gaadhiguu watay oo dawladu lahayd oo uu sanado ku shaqaynaayay
 intuu TAARIKADA ka badalo  ka dibna suuqa ka xaraasho
miyaanay ahayn wax laga xishoodo nin wayn oo xafiiskuu fadhiyay
habeen albaabada hoosta uga xidhay oo computeradii iyo printerkii
iyo kuraasidii hoos taalay suuqa ka iibinaaya [SUBXAAN WAA QAADIR ]
Miyaaanay ka dhignayn akhristoow nin shaadkuu gashanaa iska xaday
miyaanay ahayn nin gurigiisii iyo caruurtiisii fadhataysanaya
waar sidan si isugu dhaama oo umada  cudurkaad qabtaan ha qaadsiinina
kolay waa dad buka kuwa waxan samaynayaa oo jiro wayni hayso
 
MAAMULKA CUSUB
 
Hadaan maamulka cusub ee talada la wareegaya loo samayn hawl fududayn
oo aan gacmo furan lagu soo dhawayn  saw dhibku inawada saamayn maayo
Hadaa carqalado iyo dhagxaan hor tuushaan dhamaan wadooyinka  uu maraayo
maamulka cusubi  sidee horumar loo gaadhi karaa.
Waxa muhiim ah in dadka iyo maamulka cusubi kaliya wax qaban karaan hadii
lawada shaqeeyo .
Madaxwaynaha cusubi waa bania aadam kula mida  mana aha nin jeebka
ku haysta DOOLAR IYO HANTI UU MEEL KALA YIMI
Marka hadaa hantidii dawlada iyo maalkii dawlada aad sii wada fadhataysataan
sidee madaxwaynaha cusubi wax ku qaban karaa.
Shaqaalaha iyo ciidanka iyo poliska -dhakhaatiirta - macalimiinta iyo dhamaan shaqaalaha badan ee dalka ka shaqeeya sidee MUSHAHAAARO loo siin karaa
hadii  khasnad madhan dadlada cusubi u timaado.
Waxa fiican in caqliga laga yar shaqaysiiyo oo aan  guusha xisbiga kulmiye
dalka iyo dadka loo halaagin.
Doorasha kasta oo timaadana waa sidan oo kale  xisbiyadana mid ayuunbaa
guusha helaaya inta kalana waxa ku waajiba inay la shaqayso.
 
maamulka sii socda
UDUB horana way u karaamo seegtay hadana way sii karaamo seegaysaa
MADAXDA UDUB waxaad ogaataan in FADHATAYSIGANI yahay mid bilaabmay
ka bacdi markaa ku guuldaraysateen DOORASHADII.
intii aad maamulka hayseen maxaa  wax u fadhataysanwaydeen
intii aad maamulka hayseen maxaa computerda xafiisyada u guran waydeen
intii aad maamulka hayseen maxaa kuraasida xafiisyada u xadi waydeen
intii aad maamulka hayseen maxaa gawaadhida  taarikada uga badali waydeen
 
SAW marka xaqiiq  maaha mar hadaanu MAAMULKII KA BAXNAY aanu bilawno fadhataysi iyo hantida aanu gacanta ku hayno oo aanu boobno
saw qisadiinu taa maaha .
Waxaan aaminsanahay in sharcigu idin qaban doono  maxkamadna aad mari
doontaan .
WAA ayaamo inta aad yara ordaysaan ama aad shilimada gacanta ku haysaan ama
awooduba  dhiniciina sii taalo.
laba sadex casho ka bacdi waxaad tihiin rag aan awood lahayn oo qorigii
iyo asakarigii aad shacabka ugu hanjabayseen waa lakala tagayaa
MARKA aan eegno xukuumada cusub inay abaalkiina idin mariso oo jeelka la idinku
hubsato iyo in la iska kiin ilaabo  sidii XASUUQII JAZIIRA
 
WABILAAHI TAWFIIQ
SICIID CABDI DHEEN
dheen@live.co.uk
london

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.