Home » Suugaan » HA ILAAWIN GEERIDA WAR HOY AAKHIRA XASUUSO OO U SII SHAQAYSO HAWL WAYN AYAA KAA HORAYSEE

HA ILAAWIN GEERIDA WAR HOY AAKHIRA XASUUSO OO U SII SHAQAYSO HAWL WAYN AYAA KAA HORAYSEE

Burco(iftin news)15/07/2010Aduunyadu ma naga oo wakhtigu ways eryanayaa eayaamuhuna soo noqod  ma laha kuma agjoogaaneaminkaa tagtaa waa siday kuu ahayd waaye
Ha ilaawin Geerida War hoy Aakhira Xasuuso………..
 
naftuna waa amaanoo ma oga waxa u yaal meele
irsiqedu wuu qoranyihiyo waxay ahaandoonto
Adigaan ogayn uun marbuu Oofsadaa Malag e
Ha ilaawin Geerida War hoy Aakhira Xasuuso…………..
 
Ifka waxay samaysaa u Hadha Iilka iyo Yoomka
Ilaahay Hortiisiyo la  tago eebbe Waa Qaniye
Waxa Sugi Awaariyo  Boodh Edeg  Xabaaleed e
Ha ilaawin Geerida War hoy Aakhira Xasuuso…………..
 
Jid u Aad u adag yahay Mariin Maalin wayn aade
Waxad Galabsataa Kuu ahaan shayga………..
Janno aad ku Heli ama Cadaab Eebe Kugu Tuuri
Ha ilaawin Geerida War hoy Aakhira Xasuuso…………..
 
Arxan Daa laguu Galo e male Ruux indhaha siinin
Ubadkuu Dhaliyo Waalidkii Ehel xigaalkiisa
Wuuka Ordayaa Ruuxba Ruuxba Ruux kuu Aqoonjiray e
Camalkaagi baa soo Ifbixi Saaran Oogada e
Ha ilaawin Geerida War hoy Aakhira Xasuuso…………..
 
Kitaab adiga Kuu Gaar ah baa kuu ahaan Dhaxale
ifka waxad samaysaa KU Qoran aan mugdi ahayne
AlMiizaanu Baa lagugu siin idil  Shar iyo Khayrba
isagaana Kuu noqonin ehelkaa hadhayn Abid e
Ha ilaawin Geerida War hoy Aakhira Xasuuso…………..
 
Qaarbaa Albaada Janada aad yar laga Faydi
inina waxay u Noqon ehel Cadaab Ololka Naareede
Ha ilaawin Geerida War hoy Aakhira Xasuuso…………..
 
EEBBOOW NA GARANSII WANAAG WAAXID BAAD TAHAY E
adigaa Na Uuntee Alloow Naga Najee Saqara
Oo Noo Gargaar dunida Tani Aaakhir weeyaane
……………………………………………………….
 
BY ABWAAN
 
DAHIR ISMAIL WARSAME(SULDAAN0
BURAO SOMALILAND
suldaandaahir1991@hotmail.com

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.