Iftin News

Tacsi Tiiraanyo Leh oo ku Socota Eheladdii Marxum Axmed Nuur Jaamac
Anigoo ku hadlaaya magaca reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa xaaska, ubadka, tafiirta Ilmo Nuur Jaamac, gacalka, qaraabada, xigaalka, xigto iyo asxaabta uu marxuum Axmed Nuur Jaamac ka tegay meel kasta oo ay joogaanba . Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa dhammaan inta taqaanay adeero Axmed oo shalay khamiistii lagu aasay Hargeysa. Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Nuur Jaamac, waxuu dhintay maalin iyo bil kheyr badan ee Alle dambigiisa ha dhaafo naxariistiisana ha ka yeelo kuwa Janatul Fardows dhaxla. Aaamiin Ahmed Hassan Arwo Hargeysa samotalis@gmail.com

Hambalyo aroos: Boqor jaamac xuseen yalaxle & Boqorada caahsa axmed jamac oo arooskodu kadhacay magaalada Burco
Dhamaan Asxaabtani Waxay Hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Boqor jaamac xuseen yalaxle & Boqorada caasha axmad jaamac (casha bacardhe) oo arooskodu kadhacay magaalada Burco taariikhdu markay ahyid 1/9/2010 waxayna leeyihin noqda kuwii isku wara ubad khayr qabana kal hela

Dhamaan dhalinyarada reer QATAR ee hanbalyada udiraysa saaxibkoda qaligaa mr jamac xuseen yalaxle

iyo waliba dhamaan shaqalaha xafiiska shebekeda calimiga iftin.net oo yaguna an ka maqnayin hanbalyada

1.Axmed Cabdi jaamac

2.C/waaxid Xasan Cumar

3.Jamaal C/laahi Cali

5.C/dalle Jaamac Xuseen( carab kahiij

6.Axmed Tarabi Jaamac

7.Huruuse Saleebaan Qodax

8.Cawil Ismaaciil Siciid

9.Jaamac Xasan Warsame

10.Maxed Cabdi Cali

11.Maxed Aadan C/laahi (kornayil dhagawayne

12.Cawil Kaahin Liibaan.

13.Xiis Maxed Aadan

14.Khadar Sulub Xasan

15.Xasan Axmed Maxud

16.Maxed Cali Faarax

17.Maxed C/raxmaan Jaamac

18.Siciid Jaamac Axmed

19.mubaarik cali diriye( ina cali madoobe

20.cabdiraxmaan maxamed xuseen( abyan

21.muxamuud jaamac diiriye(RR

22.yaasiin xasan jaamac

23 .  axmed jibril

24.cabdi maxamed rage (ina shine karo

25.axmed yuusuf (axmed ha igusodhicin

26.cabdulqaadir (rigaan )

27.jaamac sugaal (dhiidha

28.maxamud mr digtoorka

29.yuusuf maxamed xirsi

Oo arooskoodu kadhacay magaalada burco1/9/2010 waxayna leeyihin noqda kuwii isku wara ee ubad khayir qabana kala hela waxayna u raacinayaan ducadii rasuulka scw ( barakalaahu lakumaa wajamaca baynakumaa fii khayr).

aamin aamin aamiin aamiin aamiin

gacal iyo sokeeyaba guurkiina lagu farax

Guurkiinu guur nagi gurigiinu guri khayr guuloow ka yeel

by cabdale jamac dheere

cabdalejaamac85@hotmail.com

ANA HADAAN NAHAY BAHDA SHABAKADA WARARKA IFTIN NEWS WAXAAN SAAXIIBKAY JAAMAC HUSEEN FARAH U DIRAYAA MID TAA LAMIDA AH WAXAANAAN LEEYHAY ILAAH HAYSU KIIN KHAYRO

BY ADAN CAYDIID CABDI

Madaxweyne Siilaanyo oo arooryadii Hore Saaka Shacabka Somaliland Kalla Qayb Qaatey Maalinta Ololaha Nadaafada Qaranka
(Hargeisa (iftin news) 05/09/2010Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxmed {Siilaanyo} Ayaa Saaka Arooryadii Hore Markey Saacadu Aheyd  Markey Aheyd 6:45 Subaxnimo Si Rasmi Ah Ugala Qayb Qaatey  Dadweynaha Somaliland  Malainta Nadaafada Qaranka Ee 5 Bisha September oo manta ku beegneyd.

Ololahan Nadaaafda ee Madaxweyne Siilaanyo Saaka Arooryadii hore Uu Kabilaabey Agagaarka Gurigiisa oo Kuyaala Xaafada Shacanka EE Magaalada Hargeysa,Waxaa Ku Wehelinaayey Marwada Koowaad Ee Jamhuuriyada  Somalialnd Marwo Aamina Waris , Gudoomiyaha Xisbiga Talalda Dalka Haya Ee Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi,Mayirkuxigeenak Caasiamda Hargeysa Maxamede C/laahi Uurcade, Cheaf of Cabinantka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Madaxa Baratikolka Madaxtooyada Maxmaed Cilmi Aadan{Ilkacase},Afhayeenka Madaxtooyada C/laahi Cukuse Iyo Ciidanka ilaalada madaxwaynaha Xubno Katirsan golayaahsa wasirada,wakiilada iyo guurtida.

Madaxweynaha Oo Ololahan kabilaabey Agagaarka guriigasa waxaa kale oo kusoo Marey, Shanta Degmo Ee Ay KaKoban Tahey  Magaalada Hargeysa .

Madaxweynaha ayaa manta la arkaayey isaga oo gacantiisa kaga qayb qaadanaaya Ololahan Maalinta Nadaafada Qaranka Somaliland. Waxaanu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo Iyo Xubnaha Lasocdeyba Ay muddo Seddexsacadood ah Ay Kalla Qayb Qaadanayeen Shacbi weynaha kunool magaalada hargeysa .

Talaabadan ayaa kadambey kadib markii uu Madaxweynaha Soamlialnd uu Maalintii Jimcihii Shir Jaraaid Uu Ku Qabtey Gurigiisa Magaaalda hargeysa Uu Ku Shaaciyey In Malinta Axada Ee 5 bisha September ay tahey Maalinta NADAAFADA qaranka Somaliland.

Talaabadanina Waxay Kamid Tahey Waxqabadka Soo Burqanaya   Ee Ay Dawlada Cusub Ee Somaliland AY Soo Bandhigaan

waxaa arinkan noqonayaa mid dad waynaha reer somaliland ku diirsadeen noqonaysana talaabo hore loo qaaday oo xaga horu marinktaa waxaan dadwaynaha reer somaliland ilaa maanta amaan u soo jeedinayee dawlada somaliland

Wasiirkii hore ee Duulista Hawada oo ka hadlay Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB, Furashada ururo Siyaasadeed iyo xukuumada Cusub
Hargeysa (iftin news)05/09/2010Wasiirkii hore ee Duulista iyo hawada Cali Maxamed Warancade ayaa waraysi dheer oo uu maanta siiyay Horn Cable Tv, waxa uu kaga hadlay dib u habayn lagu samaynayo Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB, Furashada ururada Siyaasadeed iyo sida uu u arko xukuumada Cusub ee uu hogaamiyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Cali Maxamed Warancade waxa oo ka hadlay doorashada Golaha Deegaanka iyo Wakiilada, waxaana uu xusay inuu isagu doonayo in lagu qabto muddo hal sano, isla markaana laga wada tashado qaabka ay ku imanayaan Golaha Guurtida Somaliland, isagoo Cali Maxamed Warancadr ka dhawaajiyay inay haboon tahay in gudi loo saaro, kuwaasi oo ka kooban Aqoonyahano, Siyaasiyiin iyo hawl doorka Somaliland.

Wasiirkii hore ee Duulista iyo hawada waxa kale oo uu ka hadlay dib u habayn lagu samaynayo Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB, waxaana uu xusay in muddo saddex bilood gudahood lagu soo dooran doono Xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga UDUB isagoo sheegay inay rajaynayaan in shirwaynihii xisbiga udub  uu qabsoomi doono marka uu soo noqdo Gudoomiyihii Xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin.

Wasiirkii hore ee Duulista iyo hawada sidoo kale waxa uu ka hadlay ururada Siyaasadeed ee la furanayo isagoo su’aal ka keenay halka ay ku danbaysay ururkii ay doonayeen inay furtaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Wasiirka Maaliyada ee xukuumada Siilaanyo, waxaana uu ugu baaqay inay bulshada u sharaxaan sababta keentay inay ka hadhaan ururkoodii siyaasadeed

Hargeisa office

Mubarig xaaji Farah

Shiikh Umal ma shalay buu qaldamay mise maanta? Qalinkii: Mahad Mohamed Salad
Marka hore waxaan ku bilaabayaa magaca eebe ee naxariista mid guud iyo mid gaar ahaaneed ba. Marka  xigta hadaan  gudo galo ujeedada igu dhalisay inaan qoro maqaal kaan ma ahan  mid aan ugu tala galay inaan wadaado gaar ah wax uga sheego amase wax ugu dhimo, laakiinse marka wadaadada qaarkood qaldamaan oo diinta la siyaasadeeyo, la iskuna dhax daro danaha gaar ka ah iyo diinteena suuban, waxaa muhiim ah in lays xasuusiyo qalad ka jira, umadana looga digo, waana taas mida igu dhalisay inaan qoro maqaalkaan:

Waxaa la wada xasuustaa dagaalkii cuslaa ee ay la galeen Shiikh Umal iyo saaxiibadiis natiijadii ka soo baxday Shirkii Jabuuti iyo weeraradii aan kala joogsiga laheyn ee ay ku qaadeen wadaadadii ka qeyb galay shirkaas.

Shirkaas Jabuuti oo ahaa mid ay ku heshiinayeen Dowladii TFG-da, iyo Isbahaysigii ASMARA garabkii uu hugaaminayay Shiikh shariif sababna u ahaa in Ciidamada Itoobiya wadanku ka baxaan oo ay Koonfurta Soomaaliya ka soo muuqato Rajo Nabadeed.

habeen kii Jabuuti lagu doortay Shiikh Shariif maalintii ka dambeysay waxaa magaalada Nairobi ka bilowday kacdoon ay horseed ka ahaayeen Sheikh Umal, Sheikh Shibile iyo wadaado kale oo ay isku jaal yihiin, kacdoonkaas oo ay ku muujinayaan in natiijada ka soo baxday Jabuuti aan la qaadan karin oo waxa halkaas ka dhacay ay ahaayeen arrin diintii iyo masiirkii umada loogu badashay Kuraas.

Aad ayaa loo xasuustaa khudbadii caanka aheyd ee Shiikh Umal furka ku tuurtay markii la doortay Shiikh Shariif, Shiikh Umal ayaa khudbadaas ku tilmaamay in nimankaaas diinta sheeganaya waa sida uu hadalka u dhigaye ay u hogaansameen Gaalo banaankana ay ku tuureen ku dhaqankii Shareecada islaamka, Shiikh Umal ayaa khudbadaas ku dhaleeceeyay si farsameysana ugu gaalaysiiyay raggii xaadiray Jabuuti oo ay ugu horeeyaan kuwa wadaadada ah asagoo hoosta ka xariiqay in ragaasi ay ku dhaarteen dastuur uu ku tilmaamay ilxaadi oo ah meesha ugu xun gaalnimada ee aan jiritaanka Allaah soo galeyn.

Sidoo kale Shiikh Umal iyo xertiisa (Alictisaam) waxay ku eedeeyeen garabkii ASMARA ee uu hugaaminayay Shiikh Shariif inay gaalo uhugaansameen ayna dhabar gabiyeen mujaahidiintii dagaalka kula jiray ciidamadii itoobiya ee xiligaasi ku sugnaay magaalada mugdishu, maadaaba ay go’aan sadeen in xal aan lagu gaari Karin qoriga caaradiisa oo kaliya ee loo baahanyahay in wada hadal iyo dublimaasiyad na lagu daro.

Sidaasi mid lamid ah Shiikh Umal iyo Shiikh Shibile ayaa aad uga xumaadeen ugana gubteen Dagaaladii dhexmaray Xisbul islaam iyo Al-Shabaab gaar ahaan dagaaldii Jubbooyinka ee lala galay Axmed Madoobe, waxaana ay arrimahaas ka duubeen Muxaadarooyin aad u badan oo ay kaga digayaan “daadinta dhiiga muslimiinta”, Muslimiintaas oo ay ula jeedaan Xisbul islaam iyo Al-Shabaab, mana aysan dhicin  in xitaa hal muxaadaro oo lagu dhaleecaynayo ama looga digayo daadinta dhiiga dadka muslimiinta ta ah ee lagu daadiyo maalin kasta magaalada muqdisho, shabeelada dhexe, hiiraan iyo gobalada dhexe.

Hadaan marka usoo laabto ujeedada maqaal kaygaan waxaa ayaan taan la isla dhax marayay heshiiskii dhaxmaray jabhada UWSLF iyo dowlada itoobiya, marka hadaan wax yar oo tafaasiil ah ka yara bixiyo jabhada UWSLF ama Jabhada Xoreynta Soomaali Galbeed Waa Jabhad Itixaad ah oo ay dhidibada u taageen rag ay ugu horeeyaan Shiikh Umal iyo Shiikh Shibile, haatana labadan Shiikh ayaa majaraha u haya waxeyna usha u dhiibteen oo Madaxtinimada Jabhadaas ugu magacaaban Shiikh Ibraahim Maxamed oo loo yaqaan Sheikh Ibraahim Dheere. Shiikh Ibraahim Dheere kuma dhaqaaqi karo tallaabo aysan raali ka aheyn Shiikh Umal iyo Shiikh Shibile iyo Culumada kale ee Ictisaam ka ah ee kula jirta jabhadaas.

Jabhadan UWSLF waxey afka ka sheegan jirtay in dagaalkoodu uusan joogsaneyn inta kitaabka Alle la isaga xukumo oo Soomaali Galbeed helayso madax banaani, aysan furneyna wado lagula heshiiyo Itoobiya maadaama Dowlada Itoobiya aysan ogoleyn in Diinta islaamka la isku xukumo iyo in Soomaali Galbeed ay ka go’do Itoobiya.

Laakiinse dabayaaqadii bishii July ee sanadkaan 2010  ayaa waxaa dhacay in jabhada UWSLF ay heshiis lasaxiixatay dowlada itoobiya, mana aysan dhicin sidii caadada ahayd ee Shiikh Umal iyo Shiikh Shibile uga hadli jireen arinta soomaaliya, gaar ahaan marka isbadal nabad loogu raadinayo koofurta Soomaaliya uu soo muuqdo, inay uga hadlaan heshiiska dhax maray itoobiya jabhadii ay labadoodu dhibada utaageen, taas oo dad badan shaki galisay sababta ay uga aamuseen arintaan iyo inay arintaan wax ka ogyihiin iyo inkale.

Intaas kadib waxaa dhacay in bartamahii August ee isla sanadkaan 2010 wariye katirsan TV ga caalamiga ah ee Aljazeera ee afka carabiga ku hadla uu Shiikh Umal waraysi kaqaaday kadibna waraysigaas lagu daabacay boga koobaad ee TV ga Aljazeera, malaha ma aysan dhicin in wariyiihii waraysiga ka qaaday Shiikh Umal wax usheego sidii Shiikhu rabay, isla maalmihiina waxaa dhacday in Shiikha iyo ragiisii ay bayaan soo saareen ay  ku sheegayaan in Shiikha lagu been abuurtay ayna soo saari doonan bayaan ay ku faah faahinayaan sida ay u arkaan heshiiska dhax maray jabhada UWSLF iyo dowlada itoobiya.

21 August 2010 ayaa Shiikh Umal iyo afar Shiikh oo ragiisa ah waxay soo saareen bayaan kii ay ka balan qaadeen aqrista yaasha, bayaankaas oo ay ugu muhiimsanaayeen: waxa ay ka qabaan heshiiska dhax maray jabhada UWSLF iyo dowlada itoobiya, iyo Xukunka raggii heshiiska galay, bayaan kaasina wuxuu uqornaa sida tan soo socota:

1)  “Markay xabad joojintu soo baxday, si rasmi ahna loogu dhawaaqay, ayna muuqatay in loo socdo heshiis dhamaystiran oo lala galayo dowladda Itoobiya, si taxadar leh ayaan usoo dhawaynnay arinkaas guud ahaan.” Taasoo micnaheedu yahay inay raali ka ahaayeen heshiis dhax mara itoobiya iyo jabhadii ay hor jooga yaalka ka ahaayeen, ayaga oo sabab uga dhigay in intii jabhadu itoobiya dagaalka kula jirtay ay wax guul ah oo lataaban karo aysan kasoo hooynin, taas badalkeedana laga faa’iiday dagaal kaas: dib udhac dhanka tacliinta, horumar ka iyo amniga.

2)  Waxaa si cad ugu qeexan quranka & sunnada nabiga (S.C.W.) in gaalada dagaalku nagala dhexeeyo lala geli karo heshiis nabadeed, haddii ay maslaxada muslimiintu sidaa ku jirto.

3)  Waxaa kale oo sugan inay dhici karto hadii ay duruufi keento in ayadoo qayb muslimiinta kamid ah dagaal kula jirto gaalo, qayb kalana uu heshiis dhexmari karo, waana masalada loo yaqaano (تجزؤ العهد) arintaana waxaa cadeeyay quraanka aayada (72) ee suuratul anfaal iyo sunnada sida ku cad qisada Abubasiir ee saxiixulbukhaariga ku timid, iyo qisada xudeefa iyo aabihii ee saxiixulmuslim ku timid.

4)  Waxaa kale oo quraanka & sunnadu cadeeyeen in jihaadka hubaysani uu wasiilo u yahay jihaadka kalimada, (dacwada) & inuu tirtiro ama yareeyo shirkiga & in dadka diinta laga fitneeyo, sida uu Allaah yidhi (وَيَكُون الدِّين كُلُّهُ لله وَقَاتِلوهُم حَتى لا تَكُون فِتنَة)

5)  Hadii ay mas’uuliinta jabhadda (UWSLF) iyo culimadoodu u cadaato in qorigii uusan xaqiijinnin maslaxadii shareecadu ugu talagashay, raja badanna aan laga qabin inuu hadda kadib wax soo kordhin doono, isla markaana laystuso inay kubadalan karaan jihaadkii kalimada & dacwada ee asalka ahaa, waa arin sharciga iyo caqliguba fahmi karaan mudnaanteedana leh.

6)  Waxaa noo suurto gashay inaan walaalaha waydiinno waxa ku kalifay inay arintaa aqbalaan oo ay saxiixaan, waxayna noogu jawaabeen inay isku qanciyeen in uusan u furnayn khiyaarka diidadu, oo ay ku qasbanaayeen (مكرهين) haysatayna xaalad ay rukhso u heli karaan inay saxiixaan qodobka ku saabsan dastuurka iyo qawaaniinta Itoobiya, ayna tahay sidii Allaah yidhi: { مَن كَفَرَ بِالله مِن بَعدِ إيمانِهِ إلا مَن اُكْرِهَ وَقلبُه مُطمَئِن بِالإيمان}iyo {إلا أن تتقوا منهم تقاة }

7)  Waxaa kale oo aan shaki kujirin in labada mas’alaba ay ka qarsoomi karaan in badan oo culimada kamid ah, iyo ardayda (طلبة العلم) caamada iskaba daaye, sidaa darteed waxaa khalad iyo xad gudub noola muuqda in la gaalaysiiyo ragga heshiiska galay lafahooda, (تكفيرالأعيان) oo riddo lagu xukumo, ayadoo ay caddahay inay ahaayeen muta’awiliin (متأولين ) ama markay ugu yartahay ay jirtay shubhatul ikraah ( شبهة الإكراه ) .( ) Waayo waxaa la ogyahay in mad-habka saxaabada iyo salafku uu ahaa inaan muta’awilka noocaas oo kale ah lagaalaynsiin Karin ilaa xujada lagu oogo shubhadana laga zuuliyo, inta ay shubha jirtana aan qofka xukun iyo xuduud lagula deg degin.(لاتكفير لأهل الخطأ في التأويل السائغ حتى تقام عليهم الحجة وتزال عنهم الشبهة ).

Waxaa is waydiin mudan aqristoow:

1)  Maadaaba la ogolyahay in gaalada dagaalku kaala dhaxeeyo lalagalo heshiis maxaa diidaya ninka walaalkaa ah ee soomaaliga ah aad heshiis lagasho, sidii dhacday markii Shiikh Shariif iyo ragiisii ay galeen heshiiskii jabouti.

2)  Hadii la ogol yahay in qolo muslimiinta kamid ah ay heshiis lagali karaan qolo gaalo ah oo dagaal kala dhaxeeyo maxaa shalay loo lahaay Shiikh Shariif iyo ragiisii mujaahidiintii ayay qiyaameen oo jihaadkii ayay dhabar jabiyeen.

3)  hadii jabhada UWSLF loo ogalaaday inay wada hadal galaan maadaaba dagaalku uusan wax natiijo ah keenayn maxaa loogu diidanaa nimankii shalay lahaay war xabad kaliya waxaba kuma xalin karnee wada hadal ayaa galaynaa, waliba waxa lala hadlayay amase heshiiska lala galayay waxay ahaayeen soomaali isku diin, isku dhaqan iyo isku deegaan ah.

4)  Hadii aysan banaanayn in lagaalaysiiyo nin gaalo heshiis lagalay maxaa loo gaalaysiinayaa kuwa islaamka ah (soomaali) ninka heshiiska lagalay.

isku soo wada duube waxay aniga ilatahay, raga bayaan kaan soo saaray inay kadoor bideen dacwada islaamka oo laguto iyo dad ka qaldan oo lasaxo qabiilaysi iyo xarakaysi, sababtoo ah shanta shiikh ee bayaan ka soo saaray Sh. Maxamed Macallin Cabdi Umal, Sh. Cabdiraxmaan Sh. Cumar, Sh. Maxamed Shaafici Khaliif, Sh Maxamuud Sh. Maxamed Shibli, Sh. Xasan Ashkir Ibraahim, shantoodu waxay ka tirsanyihiin xarakada Alictisaam (Alitixaad), shantooduna isku gobol ayay kasoo jeedaan, sadex ka mid ahna waa isku hal beel.

Shalay markii culimadii koofurta soomaaliya daganeed ee hor muudka uhaayeen Shiikh Bashiir Salad iyo Ahmed Daahir Aways, ay isku xil qaameen in la dhaxdhaxaadiyo dadkii muslimiinta ahaay ee xabada isla dhacayay  Shiikh Umal wuxuu ku jiray ragii wax laga wadi waysanaa ee sababta u ahaay in shirkii muqdishu culimadaasi kulahaayeen uu jiitamo mudo laba asbuuc ah, wuxuuna ku andacoonayay inay arintu tahay masiirkii umada soomaaliyeed aysana u oolin qabiil gooni ah, iyo gobal gooni ah iyo culima gooni ah.

Marka sheekha waxaan leenahay ilaahay ka yaab oo hadii diinta iyo dacwada aad hada sheegayso dar alle kaa tahay waxa laga hadlayana ay tahay masiirkii umada soomaaliyeed (ogaadeeniya) talada wax ka sii culimada kale ee aadna isku xarakada, isku beel iyo isku deegaan ka ahayn, sidoo kalana uqiil raadi dadka dhiigooda, maalkoodii iyo cirdigoodii lagu banaysatay gaalnimada (Murtad ayaad tahay) ayagoo udaliishana fatwadii aad adigu soo saartay, ee  aad xayn daabka islaamka uga saartay ragii shirkii jabouti ka qayb galay, sida aad ugu qiil raadisay UWSLF markii ay itoobiya heshiiska lagashay, aadna uga digtay inaan labanaysan karin dhiiga, maalka iyo cirdiga ragii heshiis kaas lagalay dowlada itoobiya, aana lagu tilmaami karin gaalo, sida ku cad bayaan ka aad soo saarteen adiga iyo ragaaga 21/8/2010.

W/Q: Mahad Mohamed Salad

mmsalad@yahoo.com

Fadlan Codkaaga Ugu Hiili Una Hibee Suxufiga Dhallinyarta Ah ee katirsan Shaqaalaha Hadhwanaagnews Jamaal Halkaraan Oo U Sharaxan Doorashada Baarlamanka Degmada Flen Ee Dalka Sweden
Flen –(iftin news)-Suxufiga caanka ah ee katirsan Shaqaalaha Hadhwanaagnews ee ku sifoobay hawl karnimada, iyo daacadnimadda ee lagu magacaabo Jamaal Halkaraan, ayaa ka mida musharaxiinta ku loolamaya doorashada Baarlamanka deegaanka ee degmada Flen dalkaSweden oo dhawaan la qabanayo.

Musharaxan Soomaaliyeed ee Jamaal Halkaraan ee isu taagay doorashadan ayaa si weyn uga jeelan una sugaya in ay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Swedan ay ku garab istaagaan kuna taageeraan codkooda si ay ugu suura gasho in uu si balaadhan wax ka qabto horumarinta danaha dadka Soomaaliyeed ee dalkaa ku nool.

Sidaa daraadeed, waxa la gudboon dadka Soomaalieed ee dalkaa ku nool in ay u hiiliyaan uguna deeqaan codadkooda si marka uu guulaysto uu beri ka maalin uga shaqeeyo danaha dadka Soomaaliyeed ee ku nool Sweden dhinac walba.

Hadaba Jamaal Halkaraan waxa ka xigta in uu ku guulaysto doorashadan dadka Soomaaliyeed  oo codkooda ku garab gala oo siiya. ololaha uu ku jiro  bulshada inteeda kale ee ku kalsoon hadey codad badan ku siiyaan waa hubaal inuu hamiga ku hayo siduu bulshada u horumarin lahaa waxeyna noqon guul inoo soo hoyata dhamaan Somalida sumcad fiicana aan ku muteysano.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Swedan waxa mar kale si sharaf, xushmad, qadarin, maamuus, tixgalin, iyo Muslinimo ku dheehan tahay looga codsanayaa in ay muujiyaan taageerada ay u hayaan Musharaxoodan oo ay codkooda siiyaan si uu anfaco.

Ballanteenu waa in aynu codadkeena u hibayno Musharaxan

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed [Siilaanyo], ayaa maanta kala qaybgalay guud ahaan dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa ololaha nadaafada
Hargiesa(iftin news)05/09/2010Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], ayaa maanta kala qaybgalay guud ahaan dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa ololaha nadaafada maalinta qashin ururinta Somaliland oo uu dhawaan kaga dhawaaqay magaalada Hargeysa.

Ololahan oo maanta laga fuliyey guud ahaan Gobollada iyo degmooyinka oo dhan, gaar ahaan caasimada Hargeysa oo ah meesha ay joogaan dadweynaha ugu badan, isla markaana ay ku yaalaan xaruumaha dawlada Somaliland. Ayaa laga fuliyey olole lagu ururinayey qashinka meel kasta daadsan.

Dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa, ayaa iyagu saaka hiirtii ku waabariistay gudaha iyo hareeraha magaalada, waxana dadweynaha kala qaybgalay qashin ururinta Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], Madaxweyne Ku Xigeenka Md Saylici, Xubnaha Golaha Wasiirada, Xubnaha Golaha Baarlamaanka [Wakiilada iyo Guurtida], Culimo awdiinka, Ganacastada, Ardayda Iskuulada, dhammaan shirkedaha isgaadhsiinta telefonada iyo xawaaladaha.

Waxana magaalada Hargeysa laga guray qashin aad u badan iyagoo uu yaraa dhaqdhaqaaqa gaadiidka dadweynaha caadiga ahi intii lagu gudo jiray qashin gurka. Sidoo kale waxa iyana la xidhay goobaha ganacasi iyagoo ka qayb qaadanayey qashinkaas.

Sidoo kale wararka naga soo gaadhay Gobollada iyo Degmooyinka kale ee Somaliland ayaa daboolka ka qaadaya in sidan oo kale ay hawsha qashin gurku ay si fiican uga hirgashay.

Si kastaba ahaatee tallaabadan oo uu Madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqay todobaadkii, ayaa ah mid aad u mihiimsan, isla markaana noqonaysa tallaabadii nooceeda oo kale ah oo uu qaado Madaxweyne Somalilad maamulaya. Marka laga reebo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo isagu ahaa shakhsi mar kasta jecel nadaafada. Isagoo tallaabo noocan oo kale mar kaga dhawaaqay dalka.

Sidoo kale tallaabadan ayaa guud ahaan shacabiweynaha reer Somaliland si weyn u soo dhaweeyeen. Iyagoo Madaxweyne Siilaanyo-na ku hambaleeyey tallaabadan xaga horumarka ahee uu qaaday

Halkan ka Daawo Burco iyo Siddii ay u Dhacayday Ololaha Nadaafadda ee Maanta (Video)
<object classid="clsid:d27cdb6e-ae6d-11cf-96b8-444553540000" width="425" height="350" codebase="http://download.macromedia.com/pub/shockwave/cabs/flash/swflash.cab#version=6,0,40,0"><param name="src" value="http://www.youtube.com/v/qsNFnhPPu10" /><embed type="application/x-shockwave-flash" width="425" height="350" src="http://www.youtube.com/v/qsNFnhPPu10"> </embed></object>

U diyaar garowga Ciidilfidriga Oo si Xowli ah loga daremay Xafada islii ee magalada nairobi.
Suuqa weyn ee dharka lagu iibiyo ee loo yaqaan Amal plza ee magaalada nairobi  ayaa mar aan saaka boqday waxa laga dareemayay mashquul aad u badan iyadoo dadweeynaha halkaasi buuxdhaafiyayna ay ahaayeen Rag iyo Dumar dhar iibsanaya iyo qaar kale oo caruurtooda dhar u iibinaya.

Mr. qaliif wasame oo kamid ah ganacsatada dharka ee suuqa Amal plaza oo aan kula kulmay goobtiisi shaqo ayaa ii sheegay in maalmahan danbe ay siweyn ukala socoto shaqadooda , maadaama buu yiri ay fooda nagu soo heysto Ciidul Fidriga, isagoona xusay in xilliyada ay ugu faa’iido badanyihiin ay tahay marka ay soo dhowyihiin Farxadaha Ciidaha waqtiyadaasoo uu sheegay in dadweeynaha  xafada islii   ay siweyn uga adeegtaan suuqa.

Haweeney kamid ah dadweeynihii ka adeeganayay suuqa oo aan wareystay xilli ay dhar ka iibsanaysay goob dukaan ah ayay ii sheegtay in ay dhar u iibineyso caruurteeda, waxaana ay xustay in ay dooneyso in caruurteeda si farxad leh uga qeybqaataan Ciidul Fidriga oo ay ka harsanyihin maalmo qura.

Goobaha lagu tolo dharka ayaa iyaguna laga dareemayaa mashquul kaasi lamid ah, iyadoo milkiile goob dawaar ku leh suuqa Carafaad ee magaalada nairobi uu ii sheegay in ay xiligan joojiyeen tolista dharka taasoo uu sabab uga dhigay dalabka ay ka qaadeen dadka wax loo tolayo oo aad ugu badan iyo xilligii ciida oo soo dhawaaday awgeed.

Waqtiyadan marka la gaaro dabayaaqada bisha barakeysan ee ramadaanka ayaa waxa magaalada nairobi qasatan xafada islii laga dareemaa diyaargarow aad u xoogan oo dadka  somalida ah ee ku dhaqan xafada islii  ay ugu jiraan soo dhaweynta farxadda ciidul fidriga oo dhamaan muslimiinta aduunka ay siyaabo kala duwan ugu diyaargaroobaan.

Mahad Mohamed sheikh

iftin news office nairobi

qawaaf2005@hotmail.com

Maalintadda Nadaafadda Qaranka iyo Ololihii Saaka ee Burco
Burco(iftinews)05/10/2010 Maagaladda burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa saaka si wayn looga dareemayay maalinta Nadaafadda qaranka oo uu madaxweynaha jamhuuriyadda somaliland Axmed Maxamed Maxamud siilaanyo ku dhawaaqay dhawaan .

Dowladda hoose ayaa saaka qaaday Olole ka lagu Nadiifinayo Goobaha  Muhiimka ah ee ay leedahay Magaaladda Burco siddoo kalenna waxaa Ololaha Nadaafadda saaka qayb Libaax leh ka Qaatay Ardayda Dugsiyadda Dowliga ah ee  Magaaladda burco.

Inkastoo aanay Ololaha Nadaafadda ee gobolkan Togdheer u dhicin siddii la rabay oo ay ka muuqatay Hawl bilow ah iyo bisha Ramadaan oo ay Dadku inta badan ka Cabsadaan inay Haraadaan Haddii ay qabtaan hawlo   kuwan oo kale  ah.

Ololaha Nadaafadda ee Saaka laga hirgaliayay somaliland ayaa noqonaya kii koowaad ee laga hirgaliyo dhamaanba goboladda somaliland Tan iyo intii ay xilka la wareegay xukuumadda cusub ee madaxweyne siilaanyo waxaanna ay waxbadan ka Taridoontaa  Baahiyaha Nadaafadda ee dalka oo dhan haddii aanay arrintaasi dhicisoobin.

Goobaha ay  saaka Laga dareemayay Ololaha Nadaafadda ayaa waxaa ka mid ahaa Garoonka Kubadda cagta ee Burco ,khayriyadda magaaladda burco ,iyo dhamaanba Goobaha caafimaadka iyo kuwa dowladda ee magaaladda burco waxaanna gabi ahaanba fasax ahaa shaqaalaha dowladda ee gobolka .

Arrintan ayaa maalintii shalayto loo saaray Guddi uu guddoomiye ka yahay guddoomiyaha Degmadda ee magaaladda burco

wixii war kasoo kordha kala soco halkan

saleban sahal jamac

salosahal@hotmail.com

iftinnews/burco

somaliland