nagalasoo xidhiidh:news@iftin.net | webmaster@iftin.net| dhageyso radio Burco sabti kasta kala soo xidhiidh radio@radioburco.com



..........................................................................................................................................
  • Home
  • News
  • Archives
  • Profile
  • Contact Us
  • Waxaannu soo dhawaynaynaa afkaartiinna iyo xayaysiisyadiinna:
  • nagalasoo xidhiidh:
  • webmaster@iftin.net
  • Wararka
  • news@iftin.net


  • Useful Links:
  • Iftin Network
  • Somaliland.org
    News Papers:
  • Jamhuuriya
  • Haatuf
  • Maandeeq
    Education:
  • Burao University
  • Harg University
  • Amoud
  • Munaasabad lagu xusayay sannadguurada 17aad ee ka soo wareegtay maalinta qaranimada Somaliland ka dhacday London

    Xaflad Kulmisay Siyaasiyiin, aqoonyahano iyo Saaxiibada Somaliland “SNM shisheeye kuma jirin oo waxay ahayd mid dadkeeda u nugul oo dhagaysata waxa laga baqayo ee maanta imanayaa”- C/Qaadir Jirdeh “waxa nasiib-darro ah in aynu wali maqlayno dikreeto madaxweyne xuquuqdii insaanka oo lagu xadgubayo.”- Mark Bradbury "Waxaanu taageerayaasha UDUB u soo jeediyay in aanay dowladda xun taageeri oo dalka u lexejecdloodaan" - Muj Maxamed xaashi

    Munaasabad ballaadhan oo lagu xuseyay maalinta qarannimada Somlailand ee 18-ka May ayaa lagu qabtay magaalada London ee carriga Ingiriiska.

    Xafladdan oo ahayd mid qadimaad ah oo lagu xuseyay munaasabadda maalinta dib-ula soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland, waxay ka dhacday hoolka York Hall oo ku yaalla bariga magaalada London, waxay ahayd mid kulmisay siyaasiyiin reer Somaliland ah iyo saaxiibo badan oo daneeya arrimaha Somaliland, waxaanna ka mid ahaa marti sharafta ka soo qayb gashay Gudoomiye-ku-xigeenka urur-siyaasdeedka QARAN Muj. Maxamed Xaashi Cilmi, Xil. Cabdiqaadir Jirde, Prof. Lewis, Mark Bradbury oo wax ka qora arrimaha Somaliland, Dr. Steve Kibble, Martin Irwin, aqoonyahano kale oo reer Somaliland ah, fanaaniin iyo gabayaa. Waxaanna xafladda nooga qaybgalay Khadar Xasan Cali oo ka tirsan Wargeyska Jamhuuriya Times ee London oo warbixintan nooga soo diyaariyay.

    Xafladdan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxa ugu horreyntii ereyo kooban oo soo dhaweyn ah ka soo jeedisay Ayaan Maxamuud Canshuur oo uga mahad celisay masuuliyiintii, ururradii iyo shakhsiyaadkii gacanta ka geystay suurtagalinta xafladan sida SSE, TAFF, West London Somaliland community, Daallo iyo Somaliland Focus. Intaasi kadibna waxay ku soo dhawaysay cod baahiyaha Guddoomiyaha SSE Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jibril oo isna mahadcelin ballaadhan u soo jeediyay masuuliyiintii, marti sharafta iyo dadkii ka soo qaybgalay xaflada.

    Cabdiraxmaan waxa uu ka warramay qiimaha ay maalintan ugu fadhido shacbiga, ayna tahay maalintii ay guuleysteen xaq-u-dirirkii SNM ee dhidibada u taagay Somaliland, isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi; “Waa maalintii dadku dareenkooda muujiyeen ee ay midnimadii dhicisowday 17 sanno ka dib gooni isku taageen iyagoo madax banaan. Maanta waxaynu leenahay haykal dowli ah sida Baarlamaan iyo xisbiyo siyaasi ah oo doorashooyin baa inoo qabsoomay.

    Somaliland-na marxalado ka adag ayay soo martay waxa lagaga baxay waa is fahan iyo wada tashi, maantana taasi ayaa laga bixi karaa dhibaatooyinka, waxaanna loo baahan yahay wada shaqayn, iyadoo la ixtiraamayo distoorka iyo xeerarka dalka u yaal, waliba xil badan waxa uu saarran yahay xukuumadda.”

    Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka mid ah Golaha Wakiillada ee Somaliland ayaa isna waxa uu uga horreyntiiba ka warramay marxladihii kale duwanaa ee aqalka Wakiilladu soo maray, isaga oo si aada u dhaliilay beesha caalamka oo yidhi; “Dagaal aan qarsooneyn oo ah ha dumeen ee waxba ha u qabanin ayey beesha caalamku la la gashay Somaliland, nasiib-wanaagse Ilaahay kama dhigin oo dadka reer Somaliland waxay kaga baxeen inay hantidooda ay haystaan isku dabaraaan oo ku noolaadaan.” Waxaannu intaasi ku daray; “Waa taas ta SNM ku badbaaday ee SSDF-na wiiqantay, SNM shisheeye kuma jirin oo waxay ahayd mid dadkeeda u nugul oo dhagaysata waxa laga baqayo ee maanta imanayaa waa mucaawimo tallo la socoto, waanna masaalix oo waxay luminaysaa kalsoonidii, markaa dawladuna dadka dhagaysan mayso.”

    Cabdiqaadir Jirde waxa kale oo uu dhaliilay mudanayaasha Wakiillada oo ku tilmaamay kuwo kala qaybsan oo xataa ku guuldarrastay in ay shuruucda iyo xeerarka dalka dhammaystiraan, halka ay xukuumaddu maalinba xeer u soo qorayso, waxaannu yidhi; “Rayiga wanaagsani waxa uu ka dhashaa afkaarta kale duwan, markaa waxay ahayd in la is dhagaysto oo xidhiidhkii goluhu aannu istaagin ee ay qaybo tiraan distoorka oo wixii shaqayn, waayo wax laga beddelo.

    Waa mid dimuqraadiyada ka baxsan maantana la arag in ay khalad tahay markaa maaha in Baarlamaanku noqdo midi-midi ku taagan ee waa inuu hormood ka noqdo xalinta mushkiladan. Xukuumadda maanta dalka ka talisaa tahay mid aan aqlabiyad ku fadhiyin (Minority) oo laga baqayo in doorashada soo socota saddexda xisbi midna gaadhiwaayo 40%.

    Sidoo kale, waxa uu soo jeediyay Cabdiqaadir in wax laga beddelo qaabka loo soo doorto ee ay u shaqeeyaan Golaha Guurtida, taasi oo ku tilmaamay in galeen hawl ka mug weyn oo ka duwan qaabkii ay ku yimaadeen ee lagu aasaasay.

    “Maanta Guurtidu miisaaniyadda mooyee waxa kale dhan way galaan, laakiin waxay ahayd in sidii axdi qarameedku uu dhigeyay ay ku koobnaadaan arrimaha dhaqanka iyo diinta oo kaliya, haddii kale waa in rag aqoon leh ama waayo-aragnimo maamaulka dowliga ah leh ama macallimiin lagu beddelaa,” ayuu yidhi Cabdiqaadir Jirde.

    Waxa isna halkaasi ka hadlay Mark Bradburry oo ah qoraaga buug uu kaga sheegaynayo Somaliland oo ka warramay marxaladihii kale duwanaa ee Somaliland soo martay iyo sida dadka reer Somaliland u muujiyeen in ay wax qabsan karaan iyagoon kaalmo shisheeye helin.

    Waxaanu intaasi ku daray in waxyaabaha SNM ku guuleysatay ay ka mid ahaayeen faragalinta dibedda ama shisheeyaha oo ku yarayd, taasina tahay ta Somaliland ku badbaaday, haseyeeshee marar badan iyadoo aan la soo qorsheyn ficil celin wax u dhacaan sida aftidii distoorka oo uu yidhi waxay jawaab u ahayd shirkii carta. Somaliland-na waxa dhisay dadkeeda qurbo jooga ah, waxaanu yidhi; “Doorashada oo kaliyi maaha dimuqraadiyad aqoonsi keenta, waxa nasiib-darro ah in aynu wali maqlayno dikreeto Madaxweyne, xuquuqdii insaanka oo lagu xadgubayo, iyadoo la xidhay rag siyaasiyiin ah iyo faragalinta lagu haya ururrada xuquuqda aadamaha u doodda.”

    Dr. Steve Kibble oo ka tirsan Hay’adda Proggressio oo ereyo kooban halkaasi ka soo jeediyay ayaa si aada ugu dhaliilay xukuumada Somaliland cabadhinta ay ku hayso saxaafada iyo hoos u dhaca ku yimid ilaalinta xuquuqda aadamaha.

    “ Somaliland dadka inta u badani baarlamaanka cid matasha kuma haystaan tusaale ahaan dumarka iyo dadka da’doou ka yartahay 35 oo ah bulhada inta u badan,” ayuu yidhi Dr. Steve Kibble, waxaannu intaasi ku daray in ay been tahay in dimuqraadiyadu aqoonsiga keento ee haddii aqoonsi imanayo uu ku iman karo Maraykankan mashruuciisa la dagaalanka argagixisada.

    Prof Ioan Lewis oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shacbiga reer Somaliland in badan u sabreen sidii dalkooda loo aqoonsan lahaa manta ay sii wadaan sabirkooda oo muddo dhaw ay heli doonaan abaal marinta sabirkooda.

    Waxa kale oo Lewis si aada u dhaliilay Maamulka Cabdilaahi Yuusuf oo ku tilmaamay in waxa kaliya ee dunida ka iibiyaa ay tahay in Somaliloand qayb Soomaaliya ka mid ah tahay hase yeeshee waxa uu yidhi caalamku iminka wuu ka war hayaa Jiritaanka Somaliland markaa ceen ayay ku tahay Cabdilaahi Yuusuf oo dawladiisu maqaarsaar tahay inuu Somaliland iska indha tiro.

    Guddoomiye-ku-xigeenka urur-siyaasadeedka QARAN ayaa isna waxa uu waxa ka warramaya marxaladihii kale duwanaa ee Somaliland soo martay iyo waxyaabihii ku kalifay in SNM la abuuro, waxaannu yidhi; “Maanta qaar dumarka iyo carruurta la soo qaxay ama afmiishaaro ahaa ama ku hoos nool Madaxweynaha in ay yidhaahdaan anagaa idiinka lecejeclo badan wax la qaadan karo maaha oo waa been xumaanteedu way na dhibaysaa markaa wixii aynu u soo tacabnay waa in aynu toosinaa oo wanaagana taageernaa xumaanteedan sheegnaa. Taariikhda hadaan dib ugu noqdo Ingiriiskii waa loo sinaa oo waynu haynaa in odayaal dhaqameedyop heshiis la galeen oo xataa u diideen in caruur ay ku dhalaan kuna ydhaahdeen berberi wax go’ lagu qaado ka wayn haddaba markii gumeystuhu inaga tagay ayay reero noqdeen oo la inagu khuukhiyaa haddii ay wax ina tarayaan Berberi sidaa ma ahaateen iyo Burco toona oo labadii madaxweyne ee hore ee somaliland ka soo jeedaan kan maantuna waanigii Boorame tagoo daaro ay ka iibasadaan mooyee wax kale kumay soo kordhin haddaba qabyaadu waxba ina tari mayso oo waad aragteen 50-keena wasiiir.” Maxamed xaashi waxa kale oo dhaliilay kharashka wasaaradaha oo yidhi “ 11 wasaaradood kharashkooda waxa ka badan shiidaalka madaxtooyada”. Waxaanu intaasi ku daray in 14-ka bisha ay kaga dhan tahay Madaxweyne Rayaale intii xilka ummaddu u dhiibatay oo ahayd shan sanno. Arrinta ururkooda qarana waxa caddeeyay in qodobka 22 iyo 23 ee distoorku u ogol yihiin furashada ururada markaa kol haddii ay jiraan kuwii kaleba aanay jirin sabab loogu diido iyagana.

    Waxaanu beesha caalamka ku canaantay in halka danbiilayaasha dagaalka ee serbiya dunida laga raadinayo ay nasiib darro tahay iun kuwii Somaliland xasuuqayt ay magan galyo u joogaan Ina dafle iyoi Cali Samatar Yurub iyo Maraykanka, waxaannu taageerayaasha UDUB u soo jeediyay in aanay dowlada xun taageeri oo dalka u lexejecdloodaan. Dadka kale ee halkaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka waramay Kaalita qurbo-joogga reer Somaliland ka qaadan karaa dib u dhiska dalka iyo Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlay doorka jaamacadaha Somaliland kaga jiraan horumarka dalka.

    Munaasabada oo ahayd mid aad xiiso badan waxa dadkii ka soo qayb galay heeso macaan iyo majaajiloba ku maaweelinayay fanaaniinta caanka ah ee maryal Mursal, Nimco Yaasiin, Maxamed Aadan Dacar, Nimco degan, Faysal Elmi, Cabdikareem Muuse Raas, iyo Mustafe Tiger.

    Fannaaniinta caanka ah ee Axmed Cali Dararambleh iyo Maxamed Axmed Kuluc ayaa iyaguna hees dareenkii dadka kicisay oo uu lahaa Cabdillaahi Qarshe Allah u naxariistee midhaheeda uu alifay Isamaaciil cagaf halkaasi ka qaaday (Waa Mahad Alee Malalootigii Meesha Daran Ka yimid Maantaba Haday Ina Magan Sadeen), waxa iyaguna gabayo qiiro leh ka tiriyay Cabdilaahi Cawed, Amran Maxamed Axmed, Martin Irwin, Caasha Maxamed Yuusuf iyo Faysal Aw-cabdi Canbalaash.

    Xigasho Jamhuuriya

    All Rights Reserved. Iftin Network © MMVIII.
    webmaster@iftin.net

  • Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ahna Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Rayaale
  • Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo
  • Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe
  • Contact Us